Faarax "hadalka sheegaya, maraakiibta caalamiga ah ayaa ka qeyb qaadata xaalufinta Badda waa hadal been ah anigana igama soo bixin"




Taliyaha Ciidanka Badda ee Dowladda Soomaaliya Faarax Axmed Cumar “Qare” oo xalay wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in si qaldan loo baahiyay war uu dhawaan saxaafadda siiyay oo ku saabsanaa burcad badeedda iyo maraakiibta ku howlan xaalufinta kheyraadka badda dalka.

Faarax Qare oo ka hadlay qataraha ka jira xeebaha dalka ayaa sheegay in ay jiraan ugu yaraan 3 qodob oo halis ah kuwaas oo uu sharraxaad ka bixiyay, wuxuuna tilmaamay in wasaqda lagu shubo badda ay qeyb ka tahay arrimahaasi.

“qatarta ugu weyn waxay tahay wasaqeynta, suqmeynta, qashin ku shubiada biyaha badda taas oo Qatar weyn ku ah noolahs ku jira badda iyo jirka Bani’aadamka” ayuu yiri Faarax Qare.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay taliyuhu xaalufinta badda ay ku hayaan maraakiibta Shisheeye, wuxuuna tilmaamay in ay halis ku tahay Kheyraadka dalka oo laga yaabo in mustaqbalka uu yaraado.

“qatarta kale  waxay tahay xaalufinta badaha, oo abaar laga dhigaayo baddii, oo dhaqaalihii umadihii ay ku noolaan lahaayeen gaar ahaan Soomaaliya ay waayaan mustaqbalka” ayuu wareysigiisa ku sheegay Taliyuhu.

Admiral Faarax Qare ayaa dhaqdhaqaaqa Burcad badeedda ku sheegay mid jabiyay dhamaan shuruucdii dalka, wuxuuna tilmaamay in ay ceeb ku yihiin Umadda iyo Dowladda Soomaaliyeed.

“Qatarta kale waxay tahay burcad badeedda oo sharciyadeenii baaba’shay , oo aduunka nagu ceebeeyay”

Taliyaha Ciidanka badda Soomaaliya Faarax Qare wuxuu halis xooggan ku tilmaamay Soomaalida ku safraya biyaha badda ee kU dhimanaya “Qatar kale waa  dadkeena oo sidii Baahalihii biyaha badda ugu daadanaya kana ceshan la’nahay  oo ku le’anaya” ayuu hadalkiisa ku daray.

Faarax qare oo wareysi labaad siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha la marsiiyo Hubka Sharci darrada ah ee caalamka dhibaatada ku haya.

“Badaheenu waxay ka mid yihiin meelaha lagu dhoofiyo ama la isaga gudbiyo hubka sharci darrada ah ee caalamka dhibka ku haya annagana nagu haya” ayuu yiri Admiral Qare isagoo hadalkiisa sii raciyay “Daroogada Caalamka qaar ka mid ah waxay ka gudubtaa baddeena”.

Taliye faarax Qare wuxuu si kulul u beeniyay warar sheegaya in Maraakiibta Caalamiga ah eek u sugan badda Soomaaliya ay qeyb ka yihiin xaalufinta lagu hayo kheyraadka dalka wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya kuwa xaalufiya badda Soomaaliya “Waa maraakiib loogu talo galay oo Dowladaha horumaray ay leeyihiin oo badda xaalufiya oo ka kalluumeysta, ma aanan dhihin maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah badahaan jooga ee burcad badeedda la dagaallama ayaa baddeena xaalufinteeda ka qeyb gala marna maana  dhihin”

Sidoo kale Faarax Qare oo ka hadlaya Howlaha ay hayaan maraakiibtaan iyo sharciyadda ay ku joogaan ayaa yiri “Suura gal maahan in aan dhahno sidaas, waayo maraakiibtaas waxay ku yimaadeen heshiis caalami ah oo Qaramada Midoobay ay dejisay oo la isku waafaqay, annagaa xataa waan ansixinay, shirarkooda ayaan ka qeyb galnaa, kii ugu dambeeyay aniga ayaa laba isbuuc ka hor ka qeyb galay, wax dhibaato ah naguma hayaan, mana dhihin warkaas anigu”

Taliyuhu wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Sidaa darteed hadalka sheegaya,  maraakiibta caalamiga ah ee dagaalka ayaa ka qeyb qaadata xaalufinta Badda waa hadal been ah oo aasaas laheyn, anigana igama soo bixin, cid kale oo masuul ahna maka soo bixi karo, arrimahaasna wax macluumaad ah oo aan ka heyno ma jiraan”.

Add New Comment