Warbixin kusaabsan khasaarihii ka dhashay dagaallo iyo duqeymo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho



Faahfaahinno dheeraad ah oo kasoo baxaya dadka ku dhintay dagaaladii ka dhacay hodon iyo howlwadaag kuwaas dhimashada ay gaartay 8 ruux halka dhaawacana lagu soo waramay in ka badan 14 ruux , dadkaasi oo badankoodu ay ku waxyeelooween madaafiic

Dagaalka xalay ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay wadada isku xirta isgoska dabka iyo kan bakaaraha , dagaalkaasi waxa uu ka dhacay Degmooyinka hodon iyo howlwadaag wuxuuna si aad ah u saameeyay suuqa bakaaraha halkaasoo madaafiic xoogan ay ku hobteen gudaha suuqa dad rayid ahna ay ku waxyeeleeyeen, waxaa halkaasi ku dhintay lix qof oo shacab ah, dhaawacuna wuxuu kor u dhaafay 11-qof, kuwaasoo qaarkood ay gaareen dhaawacyo culus oo dhici karta qaarkood inay u dhintaan dhaaawaca soo gaaray.

Dagaalka xalay waxa uu xoogiisa ka dhacay wadada isku xirta isgoska dabka iyo kan bakaaraha iysagoo saameeyay suuqa bakaaraha oo madaafiic dhowr ah ay ku hobteen gudaha suuqa.

Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam dagaalka xalay ay kula galeen degmooyinka Hodan iyo Holwadaag ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM weli kama ay haldin. waxaa dagaalkaasi guulo ka sheegtay Ciidamada dowladda iyadoo sheegtay inay ku dileen dhowr askari oo ka tirsanaa dagaalyahannadii kasoo horjeeday.

Ma jiraan, ilo madax-bannaan oo sheegaya khasaaraha ramsiga ah ee ka dhashay dagaalladii u dhexeeyay ciidammada dowladda iyo xoogagga hubeysan ee isku hayaey degmooyinka Hodan iyo H/wadaag

Add New Comment