Doonyo loogu talagalay ilaalinta xeebaha oo loogu deeqay Dowlada KMG

Dowladda Federaalka KMG-ka ee Soomaaliya ayaa maanta faahfaahin ka bixisay Dooman  ay ugu deeqeen qaar ka mid ah Dowladaha saaxiibka la ah Soomalaiya,  kuwaas oo loogu talo galay Ilaalinta Xeebaha Soomaaliya .

R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Prof. C/Raxmaan Xaaji Aaden Ibraahim Ibbi oo maanta Radio Muqdisho kula hadlay Dekadda caalamiga ah ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay 7-Doon oo loogu talo galay in lagu ilaaliyo Xeebaha Soomalaiya, kuwaas oo ay Dowladada Soomaaliya ka heshay Dowlado saaxiib la ah islamarkaasna  maanta lagu guuleystay in la soo dejiyo Doontii ugu horreysay iyo Qalabkeeda in kasto Wasiirku ka gaabsaday in uu carabaabo Dowladda ku deeqday Doonyahaasi.

R/wasaare Ku Xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Doomankaasi aysan karin wax xabad ah islamarkaasna ay muhiimaddu tahay in lagula dagaalamo Kooxaha Burcadbadeedda Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in ay soo socdaan 6-da kale ee dhiman Doomankaasi  kuwaas oo markii ay soo dhammeystirmaan lagu wareejin doono Taliska Ciidamada Badda Soomaaliya.

Sidoo kale taliyaha Ciidanka Badda Soomliya Admiral faarax Axmed Cumar faarax qare oo maanta soo kormeeray Doontaasi laga soo dejiyay Dekadda Muqdisho ayaa Radio Muqdisho u sheegay in haddii la helo qalabka Doomankani oo dhammeystiran ay suurta gal tahay in ay wax badan ka bedelaan xaaladda badda Soomalaiya, isagoo farta ku fiiqay in ay la dagaalami doonaan Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee qatarta ku ah Xeebaha Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Soomalaiya soo bandhigto Dooman loogu talo galay Ilaalintga Xeebaha Soomalaiya kuwaas oo ay Dowladu ka heshay wadamo saaxiib dhow la ah, waxaana la filayaa in ay Doomankaasi wax badan ka qabtaan kooxaha Buracadbadeeda iyo Maraakiibta Shisheeye ee xaalufinta ba’an ku haya Kheyraadka dabiiciga ah ee badda Soomalaiya, iyo kuwa caadeystay in ay Sumeeyaan Biyaha Soomaaliya.



Add New Comment