Kenya oo qaxooti Soomaali ah dib ugu celisay xadka Soomaaliya.


 Qaxooti Soomaali ah oo gaaraya boqol iyo sodon “130” qofood oo ka soo qaxay dagaalaka ka socda dalka Soomaaliya ayaa dowlada Kenya ay dib ugu celisay si qasab ah xadka Soomaaliya.

 

Qof goob jooge ah ayaa HOL usheegay inuu arkay gaadiid kuwa militeriga ah oo dadkaasi looga qaaday magaalada Libooy,waxaana dadka oo ubadnaa dumar iyo carruur lagu qasbay inay gaadiidka fuulaan si loogu celiyo dalka Soomaaliya.

 

“Dadkan  qaxootiga ah markii hore waxaa loo diiday inay Libooye soo galaan, waxaana lagu ilaalinayay meel udhow Libooye, aad bey udhibaateysnaayeen oo xitaa waxaa inta ay meesha joogeen ku umulay sadax haween ah oo xaamilo ahaa, dadka markii baabuurta la saarayay wey diidanaayeen 86 qof ayay usuuro gashay inay ka xeeyeen,dadku intaa wuu kabadnaa qaar ayaa ka baxsaday oo mar dambe ay ciidamadu qabteen waxaana ay ku xiranyihiin xabsiga libooy” ayuu yiri goob joogahaasi.

 

Lama oga sababta ay dowlada Kenya ay dib ugu celisay dadka qaxootiga ah iyada oo Kenya ay kamid tahay dowlada saxiixay axdiga ilaalinta xuquuqda qaxootiga iyo magangelyo doonka.

 

Majiro war kusaabsan sababta qaxootigaasi dib loo ciliyay oo ka soo baxay  dowlada Kenya iyo hayada qaxootiga uqaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR.

 

Xafiiska HOL ee magaalada Nairobi ayaa si toos ah ula xiriiray madaxa UNHCR ee degaanka DHADHAAB Mr. Richard oo inoo xaqiijiyay in warkaasi uu jiro ,waxaana isaga oo taxadar badan muujinaya uu ku gaabsaday inay baaritaan kusaabsan arrintaasi ka hay’ad ahaan  wadaan. 

 

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii warbixin ay soo saartay “Human Rights Warch” lagu eedeeyay booliiska dalka Kenya inay talaabooyin kadhan ah xuquuqda aadanaha ay kula kacaan qaxootiga Soomaalida ah ee ka soo gudbaya xadka Kenya, inkasta oo saraakiil u hadashay dowlada Kenya ay eedaasi iska fogeeyeen.

 

Xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dowlada Kenya ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay xirtay sanadkii 2007 xiligaasi oo qaxooti farabadan oo Soomaali ah ay ka soo cararayeen dagaalada ka socda Soomaaliya oo aan wali istaagin.


Add New Comment