Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya oo xukun ku riday dembiilayaal .



Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dowaladda KMG Soomaaliya Xasan Max’ed Xuseen ayaa maanta ku riday Xukuno kala duwan 13-Eedeysanayaal oo isugu jiray Ciidan iyo dad rayid ah oo ku jireen xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho , Maxkamaddu waxay dil ku xukuntay gacan ku dhiigle Dable Nuur Xasan Shire oo maxkamadda horteeda ka qirtay in uu geestay fal dil ah, sidoo kale 9 ka mid ah eedeysanayaasha dembi waa lagu waayay


Sidoo kale Dable Ibraahin Cali oo isna ka mid ahaa dadkii  maxkamaddu xukunka ku ridday ayaa markii lagu caddeeyay dambigiisa lagu xukumay 2 sano oo xarig ah iyo in uu bixiyo Qiimaha Qori AK47 ah,waxaa sidoo kale maxkamaddu sii daysay 7 qofood oo rayid ah kuwaas maxkamaddu  dambigii lagu soo eedeeyey ay ku wayday.
Waxaa dib loo dhigay labo ka mid ah eedeysanayashaasi dacwadooda  kadib markii marqaati cad lagu waayay halka midka kale lagu Xukumay labo sano oo xabsi ah iyo waliba in uu bixiyo quriga AK oo uu ka lunsaday dowaldda KMG Soomaaliya .

Ugu danbeyntii  gudoomiyaha maxadkadda ciidamada Qalabka sida Xasan Max’ed Xuseen  waxa uu sheegay in dhammaan maxaabiista ku xiran Xabsiyada dowladda si degdeg ah loo soo taagi doono Maxkamad, si looga baaqsado dad aan dambi lahayn inay iska xirnaadaan .

Add New Comment