Yoweri Moseveni ayaa booqasho qarsoodi ah ku tyimid Muqdisho






Madaxweynaha Uganda inta uu Muqdisho ku sugnaa waxaa uu la kulamay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif , Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan  iyo Ra’iisal Wasaaraha Maxamed C/llaahi Maxamed,kadibna wuxuu booqday Saldhigga AMISOM ay ku leedahay agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.


Madaxweynaha Yuweri Museveni markuu tagay  Xarumaha Ciidamada AMISOM waxaa  salaan sharaf uu ka  qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Uganda ee howlaha nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho wuxuuna ku dhiirageliyay inay ku dhabar adeegaan siday dalka Soomaaliya nabad ugu soo celin lahaayeen.


Kulanka dhexmaray madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Dowladda Uganda wax faah-faahin aad u badan kama ay bixin dowladda Soomaaliya , waxa ay ku gaabsatay war kasoo baxay warfaafinta dowladda in ay labada dhinac ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya, iyo in Dowladda loo dhisay Soomaaliya  uu taageersan yahay, kala heli doonaan dalkiisa Ugaandha taageero dhinac walba leh sidaa si la mid ahna ay caalamka uga raadin doonaaan taageero nooc waliba leho.



Madaxweyne Museveni saacado kooban kadib waxa  uu dib ugu laabtay Magaalada Kampala ee xarunta u ah dalka Ugaanda , waa Madaxii labaad oo ka socda dalalka deriska ah oo Muqdisho si qarsoodi ah booqasho ku yimaada, kal hore sanadkii 2007dii Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sidoo kale booqasho qarsoodi ah  ku yimid magaalada Muqdisho si uu u dhiirageliyo ciidankiisi tirada badnaa oo sida buuxda u taageerayay Dowladii C/llaahi Yuusuf.

Add New Comment