Mudnayaasha Barlamaanka oo ansixiyey xukuumadda uu soo dhisay ra'iisul-wasaare Farmaajo


Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), kaddib muran in muddo ah ka dhex taagnaa xildhibaannada.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen 334 xildhibaan oo maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa codka kalsoonida loogu qaaday xukuumadda cusub ee uu dhowaantan soo dhisay ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi (Farmajo).

Kulanka Baarlamaanka ayey xildhibaannadu marka hore u codeeyeen in codqaadistu noqoto mid gacan taag ah, taasoo xildhibaannadii ku doodyey in codka qarsoodi laga dhigo ay tiradoodu soo dhaafi weysay 93 xildhibaan, halka tirada xildhibaannada u codeeyey in gacantaagga la qaatana ay noqdeen  250.

Intaas kaddib ayuu Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu sheegay in xukuumadda codka kalsoonida loogu qaadayo qaab gacan taagid ah, ayadoo markii intaa kaddib codka la qaadayna ay natiijadu noqotay sidan :

Xildhibaannada oggolaaday ansixinta xukuumadda cusub ....................... 251  xildhibaan

Xildhibaannada diiday ansixinta xukuumadda cusub ...............................   92  xildhibaan

ma jirin xildhibaan ka aamusay.

Sidaas ayuuna guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku sheegay in xukuumaddii uu soo dhisay r'iisul-wasaare Farmaajo ay heshay codka kalsoonida Barlamaanka, ayna wixii maanta ka billowday ay tahay mid ansax ah oo heysata codka kalsoonida.



Add New Comment