Mucjisada Kubadda Miiska Magan Daahir oo Shil gaari galay



Ciyaaryahan Magac Daahir oo uu qoorta dhaawac ka soo gaaray


  Ciyaaryahanka Kubadda Miiska ee wadanka Holland Magan Daahir Yuusuf ayaa galabta gelinkii danbe waxaa uu shil weyn ku galay waddada furan ee Gobolka Fryslan ee uu ka degan yahay Wadanka Netherlands,waxaana uu shilkaasi  galay kaddib markii uu gaarigiisa uu ku dhacay gaari kale oo si qalad ah u soo taraaray,isla markaana sababay inuu ciyaaryahan Magan Dahir ka baxo waddada oo dhan.

Magan waxaa dhawac kasoo gaaray dhinaca qoorta,waxaa burburay baabuurkii uu lahaa,gaarigaasi oo ah kuwa ugu qaalisan ee wadanka Holland laga wato,waxaana inta badan ku socda ciyaaaryahanada sida Magan oo kale ah iyo dadka hantida leh.

Waxaa deg deg kusoo gaaray goobtaasi ciidamada shilalka wadooyinka,kuwaasi oo ula cararay isbitaalka weyn,iyadoo meeshaasina laga jiiday gaarigiisii oo burburay,waxaana wadada inta baaritaanka socday laga joojiyey baabuurta kale.

Sida ay kusoo waramayaan qeybta warbaahinta u qaabilsan Ciyaaryahan Magan dahir oo saxaafada kala hadlayey caafimaadka Ciyaaryahankan Somaliyeed ee u ciyaara xulka qaranka Holland ee kubada miiska ayaa sheegay inuu caafimaadkiisa fiican yahay,iyagoo intaasi ku daray inuusan iminka saxaafada la hadli karin.

Tv-yada ugu waa weyn Dalka Holland ayaa waxaa laga soo deynayaa caawa wararka ku aadan shilka Ciyaaryahanakan Caanka ah ee somaliyeed, laakiin u ciyaara Holland. Sawirrada laga soo qaaday Ciyaaryahan Magan Dahir ayaa muujinaya in dhawac kasoo wajahay dhinaca Qoorta,taasi oo keentay in loo xiro qalabka qoorta isla markaana laga ilaaliyo inuu sameeyo dhaqdhaqaaq badan.

Wadanka Holland oo iminka uu ka bilowday qaboobihii ayaa waxaa kusoo badanaya shilalka noocan oo kale ah,waxaana gobolka iminka uu shilka ku galay Ciyaaryahan Magan lagu tiriyaa gobolka ugu Barafka badan Netherlands.

Ciyaaryahan Magan waa Ciyaaryahankii Somaliyeed ee ugu horeeyey ee ciyaarta miiska ka ciyaaraha qaarada Yurub,isagoo waliba matalaya wadanka Netherlands,waxaana uu dalka uu degan yahay ee Holland lagu tiriyaa kuwa lagu xisaabtamo,dhawaan ayaa la siiyey abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Netherlands.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dhawaca Caawa soo gaaray ciyaaryahankan Magan Dahir Yusuf oo shil ku galay gaarigiisa.waxaan idin kusoo gudbin doonaa wararkeena danbe.



Abdi Jama Madoobe

Add New Comment