Taliyaha AMISOM General Nathan Mugisha ayaa raali galin ka bixiyay dhacdadii shalay ay ku dhinteen 2 qof oo rayid ah.




Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa raalligelin ka bixiyay,rasaas ay shalay ciidadooda si bareer ah ugu fureen dad shacab ah oo laba ka mid ah ay u geeriyoodeen,kuwa kalana ay la liitaan  dhaawacyo halis ah oo ka soo gaartey dhacdadaasi.

Falkaas foosha xun waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo isgoyska KM-4  waxaana  ku dhintay laba qof oo rayid ah, todobo kalena way ku dhaawacmeen,qof ka mid ahaa rayidkii dhaawacmay ayaa la dhigay Cisbitaalka AMISOM ay ku leedahay magalada Muqdisho, halka lixda kalena lagula carraray Cisbitaalka Madiina.


Talaiyaha ciidamda AMISOM General Anthen Mugisha oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay rasaastii ciidamada Ururka midowga Afrika(AMISOM) ay maalintii shalay ku fureen ku dhowaad 10 ruux oo rayid ah,  wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin  daaweenta lixda kale ee lagula carraray Cisbitaalka Madiina ee dhaawaca kasoo gaaray falkii shalay dhacay.

General Nathan Mugisha, ayaa sidoo kale sheegay inuu arrinta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo), iasagoo u balan qaaday in aan loo noqon doonin fadkaan mid la mid ah , haatana inay AMISOM waddo baaritaanno , tallaabo culusna laga qaaddi doono ciidammadii falkaas geystay.


Ugu dambeyn, taliyaha AMISOM General Nathan Mugisha, wuxuu sheegay Nolosha iyo amniga shacabka Soomaaliyeed waa arrin aad ula weyn AMISOM, falkaan dimashada iyo daawaca gaystayna waa mid aan aad aga wada xunnahay, shacabka Soomaaliyeedna  xaq bay u leeyihiin inay ka caroodaan, laakin waxa uu si gaar ah Taliyaha uga codsaday dadweynaha Soomaaliyeed in faalkani foosha xun uusan kala fogeyn iyaga iyo Ciidamada AMISOM oo garab lagu siiyo inay shaqadooda ay sii wataan.

Add New Comment