Sheekh Yuusuf Indha Cadde oo shaaciyay in Ciidamadiisa uu kala baxay Dowladda KMG ah Soomaaliya




                                                 20091116633939832128800420dagaalSS.jpg
Guddoomiyaha Xisbul Islaam garabka taabacsan dowladda Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadiisa uu kala baxay Dowladda, kadib markii guuldarro ay ku dhammaatay kulan u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne sheekh shariif



Mudane Indhacadde ayaa sheegay in kulan uu madaxtooyada kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, si looga wada hadlo heshiisyadii  Xisbul Islaam iyo dolwadda ay wada galeen, taasoo aan wax natiijo wannaagsan aan laga gaarin , kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa oo dhexdhexaadinaayay Goddoomiyha Baarlamaanka Shariif Xasan .

Guuldarrada ka timid kulankaasi waxa uu ku tilmaamay Indhacadde Balan ka bax uu Madaxweynahu ku sameeyay taasoo noqonaysa  markii 6aad oo uu Balan kaga baxo Madaxweynaha, waxa uu yiri Indhacadde "toban cisho ka hor ayaa Madaxweyne Shariif Axmed waxaa aniga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan uu kulan inoo qabtay Madaxtooyada, waana iigaga baxay wixii aan ku balanay oo dhan"

Arrimaha uu xusay Mudane Indhacadde waxaa ka mid ahaa in Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya laga fuliyay laaluush iyo nin jeclaysi, isagoo tusaale u soo qaatay saddex ka mid ahaa Xogheyntii madaxweynaha oo labo laga dhigay Wasiiro kan seddexaadna lagu qanciyay Wasiir Kuxigeen .

Sidaasi darteed xukuumadda cusub ee uu soo dhisay R/wasaare Farmaajo waa mid ka liidata ayuu yiri Indhacadde xukuumaddii ka horeysay ee Cumar Cabdirashiid, mana filayo inay wax ka qaban karto ,dagaalada,fowdada iyo kaladambayn la'aan ka jirta  dalka.


Hadaba  waxa Siyaasiyiin badan rummeysan yihiin  hadalka kasoo yeeray mudane Indha Cadde
iyo dib u abaabulidiisii Xisbul Islaam mid uu ku doonayay inuu kaga mid noqdo Golaha Wasiirada uu soo dhisay Ra'iisul Wasaare Farmaajo.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaan wax jawaab ah  weli ka bixinin hadallada kasoo yeeshay Hoogaamiyha Xisbul Islaamka garabka Dowladda Sheekh Yuusuf Indhacadde

Add New Comment