Guddoomiyihii Maxkamadda sare oo si heer Qaran loo aasay



   janaaso Gudd_Maxkamadda_Sare2.jpg
Madaxweyne Shariif ayaa tujiyay Salaadii Janaasada ee  Meydka Marxuum Maxamuud Cumar Faarax Indhabuur, waxaa salaada janaasada la dukaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Ra'iisul Wasaare Farmaajo, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil.


 Meytka Guddoomiyihii maxkamadda sare ee Soomaaliya marxuum Maxamuud Cumar Faarax (Indho-buur), ayay ku dukadeen  Salaadii Janaasada Madaxweyne Shariif,Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Ra'iisul Wasaare Farmaajo, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo saraakiil

  aaska-gudoomiyaha-maxkamada (1).jpg

Madaxweyne Shariif oo immaam ka ah Masaajid ku dhexyaal Madaxtooyada Soomaaliya , ayaa salaada Duhur dabadeed waxuu tujiyay Salaadii Janaasada ee lagu dukaday Meydka Marxuum Maxamuud Cumar Faarax Indhabuur madaxdii kasoo qayb gashay aaska Marxuumka, Madaxweyne Shariif oo hadal gaaban ka jeediyay aaska qaran ayaa ugu duceeyay marxuumka in Alle uu siiyo naxariis iyo jannadii Firdowsa, eheladiisa iyo qaraabadiisana samair iyo iimaan eebe ka siiyo. Kadib waxaa Marxuumka Naxashkiisa sii galbiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka qalabka, waxaana lagu aasay qubuuraha Sheekh Suufi ee ku yaal degamada Wardhiiglay.

aaska-gudoomiyaha-maxkamada (5).jpg



Dr. Maxamuud Faarax Indhabuur  waxa uu dhashay  sanadkii 1942, wuxuuna  ku dhashay Tuulada Qiine ee degmada Luuq, waxaana waxbarashadiisa Dugsiga hoose dhexe iyo sare uga baxay Dugsiga Jamaal Cabdinaasir ee magaalada Muqdisho,waxbarashadiisa Jaamaceed 1966-dii ilaa 1971 wuxuu kusoo dhammaystay Jaamacada  Al-Azhar ee dalka Masar,


Gudoomiyahii hore ee Maxkamada sare ee Qaranka Marxuum Indhabuur , inta uu xilka haayay waxa uu wareegtooyin kala duwan ka soo saaray  khilaafkii Baarlamaanka ee ku wajahnaa arrinta cod u qaadista Ra'iisul Wasaaraha cusub Farmaajo wuxuuna diidanaa in lays hortaago ansixinta xukuumada cusub.


Geerada ku timid Markuumka waxaa la sheegay inay ka timid xannuun ka haayay dhanka Beerka taasoo daawo loo geegay wadanka Sacuudi Arabiya muddooyinkii ugu dambeeyay.

 

Add New Comment