Xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada Holland oo lagu qabtay shir looga hadlayey Burcad Badeedda Soomaaliya (SAWIRRO)



 Waxaa  xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Holland lagu qabtay kulan looga hadlayo ka hortaga burcad badeeda ka jirta xeebaha dalka Soomaalia, dalka Holland ayaa lagu wadaa bilaha soo socda inuu hogaanka u qabto Guddiga Caalamiga ah ee loo saaray la dagaalanka burcadbadeeda (International Contract Group on Piracy).

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay buug xog aruurin ah oo ay soo diyaarisay hay’ ada cilmi baarista ee dalkaasi Holland ee Clingendael, oo ah hay’ ada dhanka xiriirka caalamiga kala talisa dowlada Holland.

Waxaa kulankan sidoo kale kasoo qeyb galay wasaaradaha dalalka Yurub, Ciidamada NATO, ciidamada Bada ee madaxdooda sare iyo waliba shirkadaha maraakiibta caalamiga ah ee saameeyeen burcad badeeda.

Waxaa kulankan xubnihii ka hadlay kamid ahaa Kabtanka Hans Lodder watay ciidamadii Holland ee soo badbaadiyey markab laga lahaa dalka Germany, ayadoo 10 nin oo Soomaali ah oo ay qabteen maanta maxkamad lagu soo taagay magaalada Hamburg ee dalka Germany.

Qodobada sida aadka ah looga dooday kulankaasi ayaa waxaa kamid ahaa qaabka looga hortagi karo burcadbadeeda mustaqbalka fogna xal loogu heli karo.

Faduma Farah oo ah Agaasimaha hay'adda Hirda ee xarunteedu tahay Dalka Netherlands,laakiin ka howlgasha gudaha dalka Somalia isla markaana aheyd qofka magaca Somalia shirka u fadhiyey,ayaa qoraal ay halkaasi ka akhrisay ku sheegtay dhibaatooyinka burcadbadeeda iyo dhibka xoogan ay bulshada somalida ku hayaan,marka laga soo tago mida dalalka shisheeye ay ku qabaan.

Fadumo ayaa waxay ku dheeraatay in dhibka burcad badeeda uu si weyn u saameeyey dadka danyarta Somaliyeed ee aan dhaqaalaha badan heysan,kuwaasi oo si weyn loogu kiciyey maciishada,sababa la xiriira dhaqaalaha burcadbadeeda kasoo gala howlaha ay ku afduubtaan maraakiibka,iyaddoo khudbadeeda salka u dhigtay dhibka burcad beeda ku hayaan bulshada somalida,taasi oo aysan inta badan ka hadlin dalalka horumaray ee isku howlaya waxka qabashada arimaha burcad badeeda.

Dhinaca kale Fadumo Maxamed Farah ayaa qeybta danbe hadalkeeda xooga ku saaray sida lagu xalin karo arimahaasi burcadbadeeda,waxaana ay ku sheegtay inay muhiim tahay sidii loo caawin lahaa dowlada dhexe ee Somalia,taasi oo haddii ay ku guuleysato wax ka qabashada howlaha horyaala oo ay ugu horeeyaan dhinaca amaanka,ay keeni karto inay iska soo af-xirmaan arimaha burcadbadeeda, Waxay marna rajo xumo ka muujisay howl-galada reer galbeedka ku doonayaan inay kali ahaan ku xaliyeen arintaasi,waxayna tiri:

" Aniga,waxaan aaminsanahay in xalka burcadbadeeda uu ku jiro,iyaddoo talada wax kaga siiyo,bulshada rayidka,odayaasha dhaqanka,culumo-awdiinka iyo dowlada dhexe ee Somalia, meeshana laga saaraa arinta beesha caalamka oo kaliya wax uga qabaneyso,howlahan ma ahan wax sahlan,sidaasi darteed waa in laga fiiriyaa dadka ugu badan oo ay saameysay,kuwaasina waxaan qabaa inay yihiin somalida,dhinaca kale waxaan qabaa in wax laga qabto,Maraakiiibta qashinka iyo sunta ku shuba badeena isla markaana si sharci daro ah uga kalluumeysta, oo aan kaliya la fiirin arimaha burcadbadeeda " ayey tiri Agaasimaha Hay'adda Hirda Fadumo Mohamed Farah.

Waxaa muuqaneysay in si weyn loogu kala duwana Arragtida xalka burcadbadeeda, xubnaha kale ee somalida shirkaasi ka joogay waxaa ka mid ahaa Mahad Musse Axmed xiriiriyaha guud ee hay’ ada Nedsom ee Jaaliyadda Soomaalida dalka Holland, isla markaana ah hay’ ada ka shaqeeya horumarinta dalka Soomaaliya.

Mahad Musse oo ka hadlayey qodobada shirkaasi looga hadlay ayaa sheegay in ayagu dhankooda ay sheegeen in loo baahan yahay xalka la dagaalanka burcad badeeda uu noqdo mid laga qeyb geliyo maamulada ka jira gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Dowlada Puntland oo ayadu ah midda la kulanta dhibaatooyinka ugu badan ee la xariira burcadbadeeda.

Wuxuuna sheegay Mahad in Beesha Caalamka aysan weli si toos ah dowlada Puntland ulla gacan qaban dhanka la dagaalanka burcad badeeda, arrintaasina wax in laga bedalo loo baahan yahay, ayadoo oo uu sheegay in xalka mustaqbalka fog ee burcad badeeda uu yahay ayadoo dhulka lagala dagaalamo burcadbadeeda, maamulada jirana lagu taageero sare u qaadida awooda ciidan iyo xabsiyada.

“Puntland waxay xabsiyada ku heysaa in ka badan 300 maxaabiis burcad badeed loo hayo, illaa hadana dowlad gacan kasiisa maleh sidii Dowlada Puntland hawshan cullus wax uga qaban laheed…waana la yaab in Beesha Caalamka inaysan hada taageero toos ah aysan siin Puntland….waxaana xusid mudan in Dowlada Puntland iyo Federaalka ay shirkoodii Gaalkacyo ku gaareen in Puntland hogaanka u qabato arrimaha la dagaalanka Burcad Badeeda…." ayuu yiri Mahad Musse.

Admiral Borsboom oo ah Taliyaha Ciidamada Badda ee dalka Holland isla markaana maanta la gudoonsiiyey buugga lagu soo bandhigay shirkan ayaa sheegay in ciidamada Badda ee Holland ay dadaal dheer u galeen ka qeyb qaadashada la dagaalanka burcad badeeda xeebaha Soomaaliya, asagoo sheegay in muhiim tahay in la dagaalanka burcad badeeda dhanka berigana loo baahan yahay.

Mr. Henk Swartouw oo asagu ah Agaasinka Arrimaha Dibada ee Holland ee dhanka Siyaasada Amniga, ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan hada toos gacan usiin Dowlada Puntland, balse uu sheego inay taageerada u mariyaan Soomaaliya dhanka Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhanka Beesha Caalamka uu ka muuqdo gaabis ku aadan taageerida tooska ah ee Puntland ee la dagaalanka burcad badeeda, asagoo arrintaasi sabab uga dhigay warbixintii IMG ee Qaramada Midoobay loo gudbiyey ee lagu sheegay in xubno kamid ah maamulka Puntland laga yaabo inay xiriir la leeyihiin Burcad badeeda. Arrintaasi oo uu sheegay inay dhaawac ku tahay xiriirka labada dhinac.

Jort Hemmer oo ah cilmi baarayaasha dhanka siyaasadaha Bariga Afrika oo halkaasi warbixin ku aadan Soomaaliya kasoo jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay muhiim tahay in Puntland laga qeyb geliyo hawlaha asagoo qiray in heshiiskii Gaalkacyo uu ahaa mid muhiim ah, walow uu sheegay in la oron karo warbixintii IMG ay caqbad ku noqon karto taageeradii loo fidin lahaa Puntland.

Dhanka ganacsatada Maraakiibta ayaa ayagu dhankooda sheegay in lacago badan sanad walba uga baxaan maraakiibta laga afduuba isla markaana si weyn uga cawday go’aanada dowlada Holland iyo kuwa kale ee Midowga Yurub ee xakameenaya in shirkadaha Maraakiibta ay kireystaan illaalo hubeysan.

Todobaadkan ayaa lagu wadaa in dowlada Holland soo bandhigto go’aano ku aadan la dagaalanka burcad badeeda, Holland ayaa ugu deeqday 1 million oo Euro, khasnada UN-ta ee la dagaalanka burcadbadeeda, ayadoona lagu wado in bilowga sanadka soo socda ee 2011 ay dowlada Holland hogaanka u qabato guddiga caalamiga ah ee loo saaray la dagaalanka Burcadbadeeda ka jirta xeebaha Soomaaliya.

Waan idin salaamay Asxaabta,waxaan halkan idin ku soo dirayaa warbixin iyo sawiro Shir looga hadlayey burcad badeeda Somalida oo lagu qabtay Holland,cidii awooda website kiina iisoo dhiga.



 Abdiweli Ibrahim Garyare

Add New Comment