Boqolaal Soomaali ku sugnaa xerada qaxootiga ee Suet Water oo lagu quudiyey hilib dameer iyo cunto aan haboonayn



Dacwad xoogan ayaa ka taagan dhacdo fool xun oo lagula kacay Soomaalida qaxootiga ku ah dalka K/Africa kuwaasi oo sanadkii 2008 bishii june lagu quudiyay raashiin qurmay, hilib dameeraad iyo weliba waxyaabo kale oo aanan la garanaynin ilaa iyo iminka.


Boqolaalka qof ee soomaali ahaa kuwaasoo  ku sugnaa xero qaxooti oo lagu macaabo Suet Water oo ku taala duleedka magaalada Cape town ee dalka South Africa aya lagu quudiyay hilibka dameer iyo raashiinka qurmay dadkaasi  qaarkood waxa ay ahaayeen ganacsato Soomaali ah, kuwaas  ka soo barakacay tuulooyin ku yaal gudaha K/Afrika halkaasoo lagu boobay ganacsigoodii, kadib dadkaasi lasoo barakiciyay ayaa  dib loo dejiyay xiradaasi qaxootiga ee Suet Wate camp.

Saraakiisha caafimaadka ee magaalada Cape Town oo xiligaasi shaybaar caafimaad u diray cunto bisil oo loo qeybiyay boqolaal qaxooti ah oo Soomaali u badan tahay ayaa cadeeyay in raashinka uu yahay mid qurmay oo aan ku haboonayn in la cunno, xaalada caafimaadna uu yahay mid dhibaato u keeni kara basle arintaas ayaa laga aamusay xiligaasi maadaama aysan jirin cid u dooda qaxootida dalkani soo maciin biday

Sadex ka mid ah boqolaalkii qof oo midkood uu soomaali yahay ayaa dacwadan soo oogay, waxayna isku raaceen in arintani meel la yaqaana ay ugu soo haraan iyagoona dacwadooda gaarsiiyay maxkamadda ugu sareeysa magaalada Cape Town taasoo maanta balanti aheyd in la qaado dacwadaasi dib u dhigtay .


Add New Comment