Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo iskuna mari waayay ansixinta waxqabadka xukuumadda



Waxaa maanta Xarunta golaha shacabka kulan ku yeesheen 302 xildhibaan kulankaasi oo shir gudoominayay Shariif Xasan,xildhibaanada barlamanka qaarkood ayaa ka soo horjeestay  waxqabadka Xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaaruhu soo bandhigay shalay

Xogheenada Gudoonka Barlamanka KMG ah ayaa sheegtay in mudanayaasha Barlamanka hal hal uga doodi doonaan lana dhageysan doono fikirka uu ka qabo howlqadabka  Ra’iisul wasaare Farmaajo uu sheegay shalay inay la imaan doonto xukuumadiisa.
 
Waxaa maanta ka hadlay dhowr Xildhibaan oo fikrado kla duwan laga dhageystay, waxaa ka mid ahaa  Xildhibaanada Caasho Axmed Cabdala oo kulanka dooda ka hadashay waxayna ku eedaysay Ra’iisul wasaarihu inuu sheegay sirtau gaar aheeyd Ciidanka dowladda KMG markuu caddeeyay in ciidanka dowladda KMG ah ay magaalada Muqdisho horta sifeynayaan.
waxaa kaloo kulanka hadal ka jeediyay Dhaqane Max’ed Cilmi Aar oo sheegay in dhinacyada dowladda ka soo horjeeda ay Qatar ku yihiin amaanka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho,wuxuuna  xildhibaanada Barlamanka waydiistay inay kua hor wareegaan xukumada Farmaajo oo aan lagu qabsan kuraasta ay ku fadhiyaan wasiirada uu soo xushay.

Waxaa sidoo kale hadlay Xildhibaan Cabraxmaan Shido wuxuuna ku tilmaamay qorshaha uu soo bandhigay R/wasaarahu inuu yahay Riyo oo ay caqligal aheyn in 100 maalmood ee ugu horeeya xukuumadiisa ay ku xaqiijin karto amaanka gobolka Banaadir.

Dooda dhexmartay xildhibaanada oo aheeyd mid aad u kulul inta badan waxaa ay diiradda ku saareen  habka Xukuumada KMG ay u wajaheyso amaanka, dhaqaalaha iyo wax u qabashada dadka dhibaateysan taasoo oo ay ku kala fikir duwanaayeen oo xildhibaanada qaar ka mid sida Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan oo ka hadlay doodii kululeyd ee manta ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha in uu la noqdo xukuumadiisa, oo uu tilmaamay in aysan dalka iyo dadka wax u qaban karin.

Intaasi waxa u dheer dowladani in wasiir ku xigeenkii Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukumada KMG Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed oo iska Casila xilkiisa,taasoo ka dhigeysa qofki labaad ee iskaga baxa dowladda uu soo dhisay r/wasaare Frmaajo, iyadoo wali Barlamanka aan la horgeyn xukuumadaasi.

Dooda xildhibaanada Barlamanka oo socotay mudo ka badan 3 saacadood ayaa gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Shekh Aadan waxaa uu xildhibaanada Barlamanka ugu baaqay in maalinta beri ah ay isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka si loo sii wado ka doodida waxqabadka Xukuumada cusub

Add New Comment