Madaafiic ku dhacday SOS iyo qeybo ka tirsan Huriwaa ee magaalada Muqdishow oo dad badani ku dhinteen



Xaafado ka mid ah Degmooyinka Huriwaa iyo Yaasqshiid ayaa shalay waxay Ciidamada AMISOM ku garaaceen madaafiicda loo yaqaan PM, taasoo sababtay dhimasho 11 ruux oo shacab ah,dhaawacuna wuxuu kor u dhaafay 20 ruux


Dadka Muqdisho intiisa badan waxaa u caddaatay ciidamada AMISOM inay kula kacaan duqeyn aan loo abaawayeelin oo cadawtinimo xambaarsan , taasoo ay mararka qaar ay ciidamada AMISOM ay iska duqeeyaan Xaafadaha qaar nabdoon oo wax dagaaalo ah ka jirin

Isgoska SOS ayaa waxaa ku geeriyooday dadkii ugu badnaa kuwaasoo saarnaa gaari PL ah ,waxaana gaari dushiisa ku nafwaayay in ka badan 10 ruux  dhaawacuna uu gaaray 10 kale madfac kale oo isna ku dhacay xaafada dabaqiin ayaan geystay khasaare kala duwan.


Madaafiicda BM ka oo shalay  ku hoobatay xaafadaha Suuqa xoolaha iyo SOS ee Degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid waxaana lagu soo waramayaa in ay cabsi xoogan ku abuurtay dadka shacabka ah ee u dhaqan xaafadahaas.


Shacabka ku nool magaalada Muqdishu waxa uu waydiisanayaa madaxda Dowladda KMG ah inay ka joojiyaan madaafiicda joogtada ee ciidamada sida bareerka ah habeen iyo maalin ay ugu soo tuuraan xaafadaha la dagan yahay kuna baabi'inayaan naf iyo maalba

Add New Comment