Baarlamaanka oo maanta loo qaybiyay waxqabadka Xukuumada




Ra'iisul Wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo qaar ka tirsan wasiiradiisa waxay maanta ka qayb galeen kulan ay lahaayeen Baarlamaanka KMG ,khudbad kooban kadib, waxa uu R/wassaraha Mudanaaysha Baarlamaanka u aqriyay barnaamijka waxqabadka Xukuumadiisa ee saddexda bilood ee soo socota


Kulan maanta uu yeeshay Baarlamaanka oo lagu qabtay Golaha Shacabka ayaa waxaa ka soo qeyb galeen 316-mudane , waxaana shir guddoominaayay kulankaasi Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.Ra'iisul wasaaruhu qudbadiisa waxa uu ku sheegay in xukuumaddu ay isbadal dhinaca ammaanka ah magaalada Muqdisho ka sammeyn doonto 100-ka maalmood ee ugu horreeya shaqadeeda, waxayna dib u habeyn ku sameyn doontaa ciidammada milateriga iyo booliiska kuwaasoo tirakoob lagu sameyn doono si loo helo tiro sax ah oo la siinkaro Mushaahar bil waliba ah  oo aan ka joogsanayn.


Qoraalka barnaamijka waxqabadka Xukuumadiisa ee saddexda bilood ee soo socota, waxaa loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka  wuxuu ka koobn yahay  in ka badan toddoba qodob oo si aad ah loosoo darsay oo xoogga laysugu geeyay dhowr qodob oo ka mid ah, sidii dib loogu soo celin lahaa ammaanka dalka,sidii loo maareyn lahaa  dhaqaalaha xukuumadda soo gala iyo xiriirka calaamiga ah,sidoo  kale waxaa si gaar ah  xoogga loo saaray sidii loo qori lahaa dastuurka cusub loona waafajin lahaa axdiga KMG ah,

Ugu dambaystii R/wasaaruhu waxa uu cadeeyay howsha inuu marka hore xoogga  saari doono sidii Ammaan loogu soo celin lahaa magaalada Muqdishu marki  lagu  guulaysto kadib loo gudbi doono gobollada dalka kuwooda ay ka taliyaan xoogagga hubeysan ee mucaaradka ah.

Kulankaasi waxaa soo afjaray Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirkaasi guddoominayay isagoo ku wargeliyay mudanayaasha loo qaybiyay Qoraalada inay 24-ka saac ee soo socda aqristaan qoraalkaasi kadibna berito oo Axad ah kulan Golaha shacabka laysugu yimaado si looga doodo.

Haddaba waxaa shaki ka joogaa xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo 45 Wasiir ka kooban , taasoo qaar ka mid ah ay durbadiiba iska casileen ,qaar kalana la sheegayaa inay jidka kusoo jiraan, waxaa taasi kasii daran in xildhibaannada laga doonaayo inay siiyan codka kalsoonnida ay muuqato kala duwanaasho aad u kala fog ,qaar dhismaha Xukuumaddani ku qanacsan iyo kuwo ka soo horjeeda oo doonayo in la rido, cidda ay guusha raaci doontana waxaa la ogaan doonaa waqtiga dhow ee soo socda   Insha Allaah.


Add New Comment