Qaar ka mid ah dalalka reer Yurub oo joojiyay duulimaadka dalkooda kaga yimaada Soomaaliya iyo Yeman.

 


Dowladaha Ingariiska iyo Jarmalka ayaa xayirad kusoo rogeen dhammaan duulimaadyada dalkooda kaga yimaada Dalalka Yemen iyo Soomaaliya ayadoo sabab kaga dhigay inay qatar ku yihiin ammaankooda maadaama ay labadaasi dal ay joogaan kooxo ka tirsan ama xirrir la leh Al qaacidda.


Haweeneyda xoghayaha arrimaha gudaha ee dalka Ingiriiska Theresa May, ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay inay joojiyeen dhamaan waxyaabihii uga imaan jiray Soomaaliya iyo Yemen, waxayna ku eedeeyeysay labadaasi dal inay joogaan kooxo Islaamiyiin xagjir ah oo walxaha qarxa soo dhexgeliya  shixnadaha  ka soo dhoofa dalkooda si ay waxyeelo u gaarsiiyaan waddamada reer galbeedka ama Mareekanka iyo kuwa kalaba , kooxahaasi waxay dhawaan  shixnad laga soo dhoofiyay dalka Yemen kusoo qariyeen waxyaabaha qarxa taasoo la helay inta ayan qarxin.


Dalalka reer galbeedka, intooda badan ayay cabsi weyn ma muujiyey waxyaabihii laga soo dhoofiyay dalka Yemen, kuwaasoo lagu qabtay dalalka Mareykanka, Ingariiska  iyo Imaaraadka Carabta, arrintaasi awgeed ayay labada dal ee Ingariiska iyo Jarmalka ay si buuxda ugu dhawaaqeen inay joojiyeen dhammaan duulimaadyada kasoo dhoofa dalaalka Soomaaliya iyo Yemen ilaa amar dambe,  dowladda Yemen ayaa aad kaga gelgilatay diidmada ka soo yeertay labadaasi dal waxayna ku sheegtay mid ka fog cadaaladda , maadaama ciqaabtaasi si wada jir ah dadweynaha reer Yemen oo dhan dusha looga tuuray.

Add New Comment