Al Shabaabul oo Haweenka ku amartay in si toos ah uga qeyb qaataan dagaalada Muqdishu ka socda.



Sheekh Cali Maxaa Xuseen oo ah Waaliga Alshabaab ee Gobolka Banaadir munaasabad uu kula hadlay Haween fara badan oo reer Muqdisho ah wuxuu ugu baaqay in dagaalada ka socda dalka ay ka qeyb qaataan.

Waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab, wuxuu kaloo sheegay in ciidammada AMISOM oo ah Ciidammada ka socda dowladaha Burundi iyo Uganda inay soo dirsatay Dowladda Mareykanka, Haddaba annaga waxaa waajib naga saaran inaan AMISOM iska bixinno oo dalkeena ka xurreyno.

Si aan u xurreyno dalkeena waxaa Haweenka Soomaaliyeed laga doonayo inay dagalka sidii Haween jiray Xilligii asxaabada oo kale ay si toos ah uga qeyb qaataan jihaadka .

Waaliga gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali wuxuu baaqaasi ka jeediyay munaasabad tababar loogu xiray boqolaal haweenka ah oo ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, isagoo ku boorriyay in dagaalka socda aan koox keliya aan lagu fiirsan oo ay waajib tahay in shacabka oo dhan ay ka wada qaybgalaan.

Add New Comment