Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo booqday xeryaha ciidammada


 Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta booqasho ku tagay saldhigyo ay ciidammada milateriga dowladda Soomaaliya kaga sugan yihiin Muqdisho.

Booqashada ra'iisul wasaaraha, ayaa waxa ku wehliyay taliyaha ciidammada xoogga dalka Gen. Axmed Jimcaale Geeddi, taliyaha ciidammada badda Gen. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), iyo saraakiil
kale.

"Shaqada aad haysaan waa mid qaran, waana mid ay Soomaaliya maanta baahi-weyn u qabto, waxaana la idinkaga baahan yahay inaad soo celisaan ammaankii dalka," ayuu ra'iisul wasaaruhu u sheegay
ciidammadii uu booqshada ugu tagay.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu hadalkiisa dabo-dhigay: "Dowladdu, waxay ballan-qaadaysaa inay muhiimadda koowaad siinayso ciidanka qalabka sida, waayo dowlad aan ciidan lahayn dowlad ma ahan, idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad ilaalisaan sharciga, una dhimataan dalkiina iyo dadkiina."

Xeryaha uu booqashada ku tagay ra'iisul wasaare Farmaajo, ayaa waxaa ka mid ahaa: xerada Jasiira, mid ku taala deegaanka Xoosh ee degmada Dharkeynley iyo Villa Baydhabo, waxaana ra'iisul wasaaruhu uu ku
socday gaadiidka AMISOM.

"Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waa kii ugu horreeyay oo booqasho ugu taga ciidanka xoogga dalka, isagoo doonaya inuu arko ciidammada, booqashanna waxaan ku tilmaami lahaa mid abshireed," ayuu
yiri Gen. Jimcaale oo ciidammada la hadlayay.

Mr Maxamed Farmaajo, ayaa salaan ka qaatay ciidammadii uu booqashada maanta ugu tagay, waxaana xero walba uu tago laga garaacayay muusigga astaanka qaranka.

"Waxaan dhaar ku maray, in dowladdan aysan noqon mid musuqmaasuq, balse ay dalkeeda iyo dadkeeda ugu shaqeyso si daacadnimo ay ku jirto, waxaana muhiimada koowaad siinaynaa ciidammada qalabka sida," ayuu hadlakiisa kusoo gabgabeeyay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Booqashooyin noocan oo kale, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xiran dharka ciidammada ayaa booqasho noocan oo kale ah ugu tagay ciidammada uu maanta booqday Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Add New Comment