AMISOM oo Madaafiic maanta ku garaacday Suuqa bakaaraha


 
 Suuqa bakaaraha ayaa maanta waxaa ku dhacay madaafiic xoogan oo ay soo tuureen Ciidamada AMISOM taas oo geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,duqeymahaasi waxay geysteen qasaare aad u weyn oo leh  dhintay 16 ruux oo shacab ah iyo dhaawac  kor u dhaafay 15 ruux kuwaasoo ka ganacsanaayay gudaha suuqa bakaaraha  qaybahiisa Dahabka, Daawada, Dharka, Qudaarta iyo sarifka lacagaha.
 
 
 
Sidoo kale waxaa la sheegay ciidamada AMISOM in madfaafiic  ku duqeeyeen suuq Bacaad oo ah suuqa  labaad ee ugu weyn Muqdisho, iyo degmooyin ay ka mid yihiin Hodan, Wardhiigley,Boondheere, Dayniile iyo Yaaqshiid, waxaana dagaal xoogan ka socday xaafada Hodan kaasoo ay iskaga soo horjeedeen Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa xoogagga mucaaradka.

Dadka ku dhaawacmay Madaafiicdaasi ayaa waxaa loola cararay Cisbitaalada magaalada Muqdisho  iyadoo dhaawacyada qaarkood ay xaaladooda caafimaad aad looga deershay kuwaasoo aan lagu daaweyn karin gudaha, dadkaasi daadgureyntooda waxaa qayb weyn ka qaatay Gaadiidka gurmadka degdega ah.

Add New Comment