Golihiisa Wasiirada dowladda cusub oo caawa si rasmi ah loogu dhawaaqay



Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa  xaflad caawa  lagu qabtay Villa Soomaaliya kaga dhawaaqay magacyada 18 Wasiir oo ka mid ah Xukuumadda cusub ee uu madaxda u yahay kuwaasoo 3 maahee inta kale yihiin Rag cusub oo aqoonyahanno ah oo qaarkood ay dalka dibaddiisa ka yimaadeen, waxayna xukuumadaasi howlgeli doonta marka uu madaxweynaha iyo  Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay wada ansixiyaan

 Xafladdasi magacaabista dowladda cusub waxay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya  Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan


 Magacyada  Wasiirada oo dhammeystiran iyo xilalkooda waa kuwan:-


1.C/llaahi Abyan Nuur Wasiirka Garsoorka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

2.Maxamed C/llaahi Omaar Wasiirka Arrimaha Dibbadda Ra’iisal Wasaare ku xigeen

3.C/kariin Maxamed Xaaji Fiqi Ra’iisal Wasiire ku xigeen wasiirka Gaashaandhiga

4.C/weli Maxamed Cali Ra’iisal Wasiire  ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah

5.Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta

6.Yuusuf Macallin Amiin Baadiyow Wasiirka Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha

7.C/nuur Macallin Maxamuud Wasiirka Shaqada, Arrimaha Bulshada, Isboortiga iyo Dhalinyarada

8.C/rashiid Khaliif Xaashi Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska

9.Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha

10.Dr. C/ Nuur Shiikh Maxamed Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare

11.C/shakuur Shiikh Xasan Faarax Wasiirka Arrimaha Gudha iyo Amniga Qaranka

12.Maryan Qaasim Axmed Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

13.Dr. Aadan Xaaji Ibraahin Daa’uudl Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada

14.C/kariin Xasan Jaamac Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo ISgaarinta

15.Maxamed Macallin Xasan Maxamed Wasiirka Kalluumeysiga, Bii’ada iyo Kheyraadka Badda

16.Axmed C/raxmaan Cabaade Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda , Cirka iyo Dhulka

17.Maxamuud Maxamed Boorow Wasiirka Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta

18.C/risaaq Shiikh Muxyaddiin Wasiirka Macdanta, Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka


 Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay Caawa Xafladii lagu magacaabayay Wasiirada Cusub ee dowladda KMG, ayaa waxaa uu ku baraarujiyey dowladda cusub in ay sugayaan shacab mudo dhibaato kusoo jiray oo u baahan in la samatabixiyo shacabkaasi Soomaaliyeed waxuu kaloo sheegay inuu ku rajo weyn yahay wasiirrada cusub in ay talaabo wannaagsan ay qaadi doonaan,howshoduna ay ka badali doonaan xukuumadihii ka horeeyay oo uu sheegay Madaxweynuhu inay wax ka qaban waayeen marxalada adag uu  dadka iyo dalka Soomaaliyaba uu maraayo.

 Ugu dambeystiina Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya  inay Bacdul Ciid ay ka dhigaan ansixinta golaha wasiirada Xukuumada Cusub ee caawa lagu dhawaaqay.
 


Add New Comment