Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta loo dhaariyay Xafiiska Ra'iisul Wasaarenimada



Xaflad maanta ka dhacday madaxtooyada Soomaaliya oo ay kasoo qaybgaleen  madaxweyne Sheeh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, wasiirradii hore iyo xildhibaannada baarlamaanka ayaa lagu dhaariyay Ra’iisul wasaaraha cusub Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo)       
 

Gudoomiyaha Baarlamaanka  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhaariyay R/wasaaraha cusub Maxamed C/laahi Farmaajo isagoo cod dheer ka dabadhahaayay “Waxaan ku dhaaranayaa, magaca Eebbe inaan u guto xilkeyga si daacad ah, oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto, dhowrana axdiga Qaranka iyo shuruucda kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya” kadib waxa uu R/wasaraha u mahadceliyey mudanayaashii siiyay codka kalsoonidda sidoo kale waxa uu ka codsaday dhammaan xildhibaanada iyo madaxda kasoo qaybgashay xafladdaasi inay ka caawiyaaan gudashada howsha adag ee loo xilsaaray.

 Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan ayaa sheegay inay la shaqeyn doonaan R/wasaaraha, wuxuuna ugu duceeyey in Allaah u fududeejo waajibka loo hilsaaray gudashadiisa.

Ugu dambaysqtii waxaa xafladda hadal yar ka jeediyey  madaxweynaha dalka Soomaaliya Sheekh Shariif waxuuna talo iyo soo jeedin u gudbiyay R/wasaaraha uu isaga soo doortay, wuxuuna ka dalbaday in uu  soo dhiso Xukuumad kooban oo tayo leh dalka iyo dadkuna ka samata bixiso dhibaatada.


Add New Comment