Masar oo sheegtay inay dhexdhexaadineyso dhinacyada isku haaya siyaasadda dalka Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa si cad u sheegay in dowladda dalkiisu ay billaabeyso dhexdhexaadin ay ka gasho kooxaha hubeysan ee isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya, ayna markaan Masar qaadan doonto kaalinta kaga aaddan xal u helidda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar Al Sayid Axmed Abu Gayth ayaa sheegay in xaalka Soomaaliya uu yahay mid aan la iska indha tiri karin, sidaas daraaddeedna uu dalkiisu goostay inuu billaabo dhexdhexaadin laga sameeyo dhinacyada iska soo horjeeda ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda dalka Masar ayasan kusii eegan doonin ummadda Soomaaliyeed inay fowdada kusii jirto, ayagoona ku dadaali doona xal ka gaarista mushkiladda daba dheeraatay ee heysata dalka Soomaaliya, asagoona intaa ku daray in dalkiisu uu sii kordhin doono taageerada ay Masar siiso Soomaaliya.

Add New Comment