Dowladda Talyaaniga oo si Rasmi ah u Aqoonsatay Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya


 

 Dowladda Talyaaniga ayaa wareegto ay taariikhdeedu tahay 23/03/2010 si ramsi ah ugu  aqoonsatay Baasaboorka cusub ee Soomaaliya (e-passport), dhaqangalkiisana oo bilaabanaayo 3da bisha May 2010. 

 

Haddaba galabtii khamiista ee bishan aheyd 6da May 2010 ayaa xaflad balaaran oo lagu maamusayey munaasibadda bilowga dhaqangelinta baasaboorka soomaliya ayaa lagu qabtay Safaaradda Dowladda Somaaliya ay ku leedahay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga. Munasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgalay madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka talyaaniga oo uu hormuud u ahaa Agaasimaha Guud ee arrimaha Afrika  Minester Morabito ayna ka mid ahaayeen masuuliyiin kale sida Polizi iyo Vozzi.

 

Safiirka Dowladda Somaaliya u fadhiya wadanka Talyaaniga Ambassador Nur Hassan Hussein (Nur Cadde) iyo dhamaan shaqaalaha Safaradda somaaliyeed ayaa si diiran u soo dhaweeyey madaxdii ka socotay dowladda Talyaaniga , iyadoona halkaas ay goobjoog ka ahaayeen hogaamiyeyaasha jaaliyadda Somaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan dalka Talyaaniga iyo dadweyne badan oo ku dhaqan magaalada Roma, oo ay ka muuqatay xamaasad fara badan.

 

 

Ambassador Nur cadde oo ka hadlayey xafladda ayaa faahfaahin ka bixiyey dadaalka dheeraadka ah oo ay Dowladda KMG ah ee Somaaliya u gashay soo saaridda iyo ka dhaqangelinta baasaboorkan casriga ah wadamada yurub gaar ahaan dalka talyaaniga oo ay inaga dhaxeyso taariikh soo jireen ah. Wuxuu mahad gaar ah u celiyey Minster Moraabito oo muujiyey dadaal dheeraad ah sidii uu u dhaqangeli lahaa baasaboorkan cusub.

 

Minster Moraabito oo isagana hadalka qaatay ayaa ka dhawaajiyey in dowladda talyaaniga ay garab taagan tahay shacabka Somaaliyeed guud ahaan ayna ku dadaaleyso in dowladda talyaaniga kaalinteeda ka qaadato sidii ay dowladda somaaliyeed lughaeeda ugu istaagi laheyd. Minster Moraabito ayaa kula dardaarmay ka soo qeybgalayaashii xafladda in la dhowro sharafta uu leeyahay baasaboorkan cusub. 

 

 

Waxaa kale oo xafladdan ka hadlay iyagoo muujinaaya dareenkooda ku aadan dhaqangelinta baasaboorka Somaaliyeed hogaamiyasha jaaliyadda somaaliyeed ee Talyaaniga iyo aqoonyahanno sare oo soomaaliyeed. Dadkii ka hadlayna waxaa ka mid ahaa Avvocato Xasan Ducale Kahiye, Avocatto Angelo Mazzetti ( Somali – Italian ) oo ah nin aad ugu dooda arrimaha Soomalida, Avvocato Cali Marduf, Dr Cisman Mohamed Gacal (Cisman John), Mudane Mohamed Cawil (Garaad), Maxamud Gesey iyo Cabdalle Aden Koje oo ku hadlaayey magaca dhalinyarada ku dhaqan Roma.

 

Mohamed Hassan

Rome, Italy


Add New Comment