Madaxweyne Shariif oo maanta magacaabay taliye ku-xigeenka Xoogga Dalka


Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta G/le Sare Cabdikariim Yuusuf Aadan u magacaabay taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay in magacabistan ay qeyb ka tahay heshiiskii dhowaan ay dowladda KMG iyo culumaa’udiinka Ahlusuna waljameeca ku kala saxiixdeen magalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa munaasabaddii lagu magaacabayey taliye ku-xigeenka ka sheegay inuu la tashiyo la sameeyey xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo uu ka mid yahay wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha cadde) oo goobtaasi joogay.

Sheegiidda Madaxweynuhu uu sheegay in magacaabistaani ay qayb ka tahay heshiiskii dhex maray Dowladda iyo Ahlu Sunna waljamaaca ayaa haddana waxa jira in Ahlu Sunna ay sheegeen inuu burburay heshiiskii ay la galeen dowladda, ayagoo masuuliyadda burburkaasna dusha uga tuuray madaxda dowladda.

Add New Comment