Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo duqeynta loo geysto goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka


Mudaneka tirsan baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday Dowladda, ciidamaada Midoga Afrika (AU) AMISOM iyo xoogagga kasoo horjeeda inay joojiyaan hubka ay ku garaacayaan goobaha ay dadka rayidka ah ku sugan yihiin marka ay dagaalladu dhacayaan.

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Muuse (Ciro) ayaa sheegay in dagaallada ka dhaca Muqdisho ay intooda badan dhibaato kasoo gaarto dadka rayidka ah ee aan ayagu wax lug ah ku lahayn kooxaha soo kala horjeeda ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaankan ayaa soo jeediyey in madaxda dowladda laga doonayo inay la hadlaan xoogagga ku kacsan, maadaama dowladdu ay tahay mid markeedi horeba loosoo dhisay inay sii waddo dib-u-heshiisiinta.

Sidoo Kale ayuu Xildhibaan Ciro ku dhaliilay xoogagga dowladda kasoo horjeeda inay hub culus ku garaacaan goobaha ay rayidku deggan yihiin, asagoona intaa ku daray in loo baahan yahay inay joojiyaan, ayna miiska wadahadalka la yimaadaan wixii ay tabanayaan.

Add New Comment