Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay shirka bisha Juune lagu qabanayo Muqdisho


 Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa ka hadlya shirka lagu qabanayo Muqdisho bisha Juune, kaasoo ay qabanqaabadiisa waddo dowladda KMG ah.

Shariif Xasan ayaa beeniyay warar sheegaya inuu dadaal ugu jiro shirka in laga wareejiyo Muqdisho, wuxuuna hadalkaas ku tilmaamay mid aan jirin oo been abuur ah, isagoo sheegay in lagu doortay Muqdisho meel looga wareejiyo oo ka mudanna uusan garanayn.

"Shirka ka dhacaya Muqdisho wuxuu noola muuqdaa inuu mid wadatashi ah oo uu noqdo mid dhameystira labadii shir ee Nairobi ka dhacay, ayna kasoo qaybgalaan dadkii shirarkaas kasoo qaybgalay si xal loogu helo khilaafka jira," ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay VOA-da.

Wuxuu sheegay in isaga ay ula muuqato inaan xilliga lasoo xuli karin baarlamaan cusub ayna tahay in baarlamaanka hadda jira uu sii jiro lana soo doorto madaxda dalka, xitaa haddii muddada baarlamaanka ay badan tahay.

Afhayeenka baarlamaanku wuxuu soo jeediyay in shirka in danjire Augustine Mahiga uu noqdo ninka shirka fududeynaya ayna agaasimaan guddiyo madaxbanaan, isagoo xusay in shirkan uu noqdo mid looga hadlo xaaladda cakiran ee jirta si loogu helo waji.

Ugu dambeyn, mar uu ka hadlay qaabka shirka looga qaybgalayo ayuu sheegay in dowladda oo wadajirta ay ergo uga qaybgalayso, sidoo kalena ay ergooyin ka imaanayaan Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna.









Add New Comment