Soomaaliya oo mar kale loo doortey Hoggaanka sare ee Ururka Saxafiyiinta Adduunka ee IFJ




Axad, May 30, 2010(HOL): Xoghayaha Guud ee ururka saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusman ayaa mar kale loo doortey xubinnimada gudgiga fulinta caalamiga ah ee ururka saxafiyiinta Aduunka ee IFJ,  shirweynaha ka dhacay magaalada Cadiz ee wadanka Spain.

Shirkan oo ahaa shirweynaha caalamiga ah ee IFJ ayaa socdey 25-kii ilaa 28-kii bishan May, waxaana ka soo qaybgalay ergooyin ka socda wadamo faro badan kuwaasi oo tiradoodu ka badneyd 120 dal.

Boqolaalkan ergo ee ka soo qayb galey shirweynaha ayaa matalayay ama wakiillo ka ahaa 600 kun oo saxafiyiin oo u kala dhashay 120 wadan oo caalamka ka tirsan, waxaana doorashada Cumar Faaruuq Cismaan lagu tilmaamey mid uu kusoo baxay doorasho cod aad u sareeyo oo aqlibayad ah.

Cumar Faaruuq Cismaan waxaa lagu doortey halku dhig uu soo bandhigay oo ahaa: Difaacitaanka iyo sii wadidda dhowridda xuquuqda bini’aamka iyo xuquuqda  ururrada shaqo ee saxaafadeed, in dhiig cusub la galiyo dhaqdhaaqa saxafiyiinta adduunka, la tacaalidda dhibaatooyinka ammaan ee ka dhanka ah saxafiyiinta, isku dabaridka saxafitiinta aan isku habeysneyn, kor u qaadida cadaalada iyo qaab nololeedka dhamaan hawlwadeennada saxaafadda gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha colaadda ka jirto.

Cumar Faaruuq oo ka mid ahaa wafdiga Soomaalida ee shirka ka qaybgalay isla markaana ay taageerayeen ururada ka socda Afrika iyo dunida carabta ayaa wuxuu xusey sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale loo doorto xubinada gudiga fulinta caalamiga ah ee IFJ “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid ahaado hoggaanka sare ee ururka saxafiyiinta aduunka, waxaana aad ugu qanacsanahay inaan u helo  ogaalansho buuxa oo aan ku difaaco xuquuqdeena saxafiyiin si xor ah oo aan cabsi ku jirin, isla markaana aan horey u sii ambaqaadno xuquuqda aadamaha iyo dimuqraadiyada xuquuqeed ee saxaafiyiinta si caalami ahaan, qaarad ahaan iyo dal ahaanba.



“Waa wax lagu farxo ah in aan Soomaali ahay, waxay ii tahay sharaf weyn in aan suxufi ahay, waxay ii tahay fursad qaali ah iyo dareen weyn oo masuuliyadeed in la ii doorto gudiga sare ee ururkan muhiimka ah, isla markaana aan ka dhinac shaqeeyo gudi firfircoon oo aragti dheer u leh saxafiyiinta aduunka” ayuu hadalkiisa ku darey Omar Faruk.

Cumar Faaruuq Cismaan hadda waa guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Afrika ee FAJ ( Federation of African Journalists (FAJ), kaasi oo ah urur goboleedka IFJ.

IFJ waa ururka saxaafadeed ee ugu weyn adduunka waxaana xubno ka ah kumaanaan saxafiyiin ah oo u kala dhashay 120 wadan, waxaana gudoomiydaha guud ee IFJ mar kale loo doortey Jim Boumelha, iyadoo sidoo kale loo doortey xoghayaha ee Ururka  Aidan White.






 
 


Add New Comment