Dowladda iyo Ahlu Sunnah oo ku heshiiyey in ciidamadooda la mideeyo


Wadahadalladii u dhexeeyey Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca oo maanta galay wejigoodii labaad ayaa lagu soo gebagabeeyey xafiiska ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku leeyahay Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta oo socday muddo saacado ah ayaa waxa ka wada qayb galay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo wafdigii Ahlu Sunnah oo uu hor kacayey guddoomiyaha guddiga fulinta ee Ahlu Sunnah Sheekh Maxamed Ibraahim Xeefoow.

Kulanka kaddib ayaa waxa si wadajir ah shir-jaraa'id u qabtay Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Guddoomiye Sheekh Maxamed Ibraahim Xeefoow, ayagoona sheegay in si rasmi ah loo soo gebagabeeyey wadahadalladii iyo heshiiskii labada dhinac ee Dowladda iyo Ahlu Sunnah, qodobbada ay ku heshiiyeenna ay ka mid ahaayeen iskaashi dhex mara labada dhinac iyo in ciidamada labada dhinac laysku dhafo, ayadoona uu ra'iisul wasaaruhu sheegay in dhanka dowladda ay ka go'an tahay hirgelinta heshiiskaan.

Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay inay ku heshiiyeen in dowladda iyo Ahlu Sunnah ay dhowaan la wareegaan gacan ku heynta gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho qaybaha ay ka joogaan xoogagga dowladda kasoo hor jeeda ee Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Culimaa'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca Sheekh Maxamed Ibraahim Xeefoow ayaa dhankiisa sheegay in kulanka oo muddo la sugayey laga gaaray heshiis qodobbo fara badan, lana saaray guddiyo u xilsaaran dhammeystirka heshiiskaan.

Ugu dambeyntii waxay labada dhinac si wadajir ah u cambaareeyeen qaraxyadii lala beegsaday masaajidda ee ka kala dhaca dhacay masjidka Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iyo masjid ku yaalla magaalada Kismaayo.

 

Add New Comment