war deg deg ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku guuleystay doorashadii guddoomiyaha barlamaanka

War deg deg ah oo dhowaan naga soo gaaray xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku guuleystay cod ay mudanayaasha barlamaanku u qaadeen qabashada xilka guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Jagada guddoomiyaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxa u tartamayey xildhibaanno badan, waxaana codkooda dhiibtay 388 xildhibaan, taasoo wareeggii 1-aad uu Shariif Xasan helay codad gaaraya 219, halka murshixii ku xigey oo ahaa mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu isaguna helay 147 cod.

Markii loo gudbay wareeggii 2-aad ayaa murashixii kaalinta 2-aad ku soo baxay oo ahaa mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu isaga haray, waxaana sidaasi xilka guddoomiyenimada Barlamaanka KMG ee Soomaaliya ugu guuleeystay mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Add New Comment