Ururka Xisbul Islaam oo Suxufiyiinta ka howlgala degmada Afgooye ku soo rogay ammar ah in ay warka ku bilaabaan bisinka


Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ayaa maanta amarro kusoo rogay saxafiyiinta ka howlgala degmadaas, kaddib markii maanta lasii daayay wariyeyaal xiranaa 24-saac oo xiriir ah.

Amarrada uu soo saaray maamulka ayaa waxaa ka mid ahaa in wariyaha uu ku bilaabo warkiisa Bisinka, In warka lasoo marsiiyo Xafiiska Wafaafinta Maamulka iyo In codadka laga duuban karo oo keliya xubnaha maamulka.

Wareegtada amarradan lagu sheegay ayaa waxay kasoo baxday xafiiska mas'uulka ugu sarreeya maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Afgooye Sheekh C/kariim Muuse Cumar, waxaana sidoo kale wareegtada amarradii lagu xusay ka mid ahaa in warka maamulkooda laga qaadan karo Madaxa Wafaafinta Sheekh Cali Sheekh Cumar.

Suxufiyiinta Xabsiga laga sii daayay oo u kala shaqeynayay Idaacadaha SIMBA, XURMO iyo IQK oo xarumahoodu ku yaallaan Muqdisho, waxaana loo xiray warar ay kasii daayeen Idaacadaha ay u shaqeeyaan.

Mid ka mid ah wariyeyaashan oo maanta saxaafadda uga warbixiyay sababihii lagu xiray ayaa sheegay in looga yeeray saddexdooda xafiiska Wafaafinta dabadeedna loo sheegay inay xiran yihiin, waxayna beeniyeen inay sheegeen wararka lagu eedeeyay.

Ururka Xisbul Islaam ayaa dhawaan ka joojiyay Idaacadaha ka howlgala Muqdisho inaysan sii dayn karin Heesaha iyo Muusiga, kuwaasoo ay dhaqangeliyeen dhamaan idaacadaha marka laga reebo Idaacadda Dowladdu ay maamusho ee Radio Muqdisho

Add New Comment