Wasiirkii Maaliyadda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta iska casilay xilkiisi.




Wasiirkii Maaliyadda Dowladda Soomaaliya  markii uu ka mid noqday musharixiinta guddoonka baarlamaanka ayaa maanta waxa uu u gudbiyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke qoraal uu iskaga casilaayo wasiirnimadii wasaaradda Maaliyadda  .


Shariif Xasan ayaa waxa uu rummeysan yahay  inuu ku guuleysan doono guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo tartankiisa uu dhacaya maalinta Jimcaha ee soo socota.Xildhibaannada Baarlamaanka  qaarkood waxay kasoo horjeedaan in la doorto Shariif Xasan  ayagoo ku eedeeyey inuu lunsaday hanti badan oo Dowladdu leedahay.

Xildhibaan shariif xasan ayaa waxa uu horay usoo noqday guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya intii u dhexeysay 2004 - 2006, isagoo xilkaas ka tagay markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynihii xiligaas talada hayay ee Cabbdullaahi .

Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa wuxuu  todobaad ka hor iska casilay xilka guddoomiyenimo kaddib muran hareeyay baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu  markiisa aqbalo inuu iska casilo R/wasaaranimada Dowladda Shiish Shariif si loogu magacaabo qofkii ka mudan.

Add New Comment