Golaha Ammaanka oo dalbaday in xal laga gaaro muranka ka dhexeeya Madaxda Dawladda Soomaaliya


 Waxaa maantay magaalada Nairobi lagu qabtay shir ay wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay la yeesheen Madaxda DKMG ah ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.

Shirka oo la filayay inay kasoo baxaan go’aammo lagu soo afjarayo khilaafka hareeyay madaxda DKMG ah ee ku aaddan wakhti kororsiga hay’adaha dawladda iyo wakhtiga la qabanayo doorashada madaxtinnimada ayaan laga soo saarin go’aammo cad cad oo arrimahaas ku aadan.

Balse Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wafdiga ka socday oo ay ka mid ahaayeen safiirka dalka Britain u fadhiya Qaramada Midoobay . Ambassador  Mark Lyall Grant , safiirka waddanka Koonfur Afrika u jooga Qaramada Midoobay Mr. Basu Sangu iyo Ergayda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambasador Mahiga  ayaa markii uu shirku dhammaaday saxaafadda u sheegay in la isla gartay saddex qodob.

safiirka dalka Britain u fadhiya Qaramada Midoobay . Ambassador  Mark Lyall Grant ,oo ay Hiiraan Online waydiisay waxyaabaha ay yihiin qodobada ay ku heshiiyeen ee  lagu soo afjarayo khilaafka dawladda ayaa sheegay in madaxda dawladda ay ka dalbadeen inay khilaafkooda ay dhammeeyaan heshiisna ka gaaraan qabashada doorasho inta ka horreysa August, in dawladdu ay diiradda saarto hawlaha adag ee horyaalla iyo in si wanaagsan ,loola shaqeeyo Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan  arrimaha Soomaaliya.

Mar  la waydiiday tallaabada la gudboon Golaha Ammaanka haddii ay heshiis gaari waayaan madaxda dawladda ayay dhammaan masulliyiintu  ka gaabsadeen inay ka hadlaan, balse warar laga soo xigtay safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay haweeynayda lagu magacaabo Susan Rice ayay ku tilmaantay in laga yaabo cunaqabataymo dhaqaale inay saaraan hogaamiyayaasha dawladda haddii ay heshiis gaari waayaan.

Shirka maanta oo ay  joogeen Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed, Ra’iisul wasaaraha Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland, Madaxweynaha Galmudug  iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland iyadoo sidoo kalana wafdiga golaha ammaanku ay kulan la qaateen qaar ka mid ah bulshada rayidka ah.

Ugu dambayntiina Waxaa  saxaafadda la hadlay taliyaha ciidamada Amisom General Nathan Mugisha isagoo ka warbixiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ay ciidamadoodu la galeen xarakada Alshabaab isagoo tilmaamay inay guulo ka gaareen iska hor imaadyadii ugu dambeeyay.

Mar ay Hiiraan Online waydiisay eedaymaha loo soo jeedinayo Amisom eek u saabsan dukhaymaha goobaha ay shacabku ku badanyihiin ayuu ku micneeyay in eedaymahaasi ay yihiin dacaayad aan waxba ka jirin.


Taliyaha ciidamada Amisom General Nathan Mugisha - Photo A. A/samad HOL

Add New Comment