Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo soo magacaabidoono Ra'iisul Wasaare Cusub


 Warar lagu kalsoon yahay oo ay HOL ka heshay ilo wargaleen ayaa sheegaya in Madaxweyne Sharif Sh. Axmed uu ka fekerayo inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare cusub oo beddela ra'iisul wasaare Cumar C/rashid Cali Sharma'arke, kaddib markii isaga iyo Sharma'arke ay ku heshiiyeen in ra'iisul wasaaruhu is-casilo muddo laba toddobaad kaddib ah.

Shakhsiyaadka sida weyn loo hadal hayo, lana sheegay inuu madaxweynuhu shir gaar ah la qaatay waxaa kamid ah: Max'ed C/llahi Oomaar, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, haatanna ah wasiirka tacliinta sare. Mudane Oomaar, oo madaxweynaha ku weheliyey shirweynihii dhawaan ka dhacay dalka Turkiga, ayaa kasoo jeeda gobollada Somaliland, waana aqoonyahan iyo siyaasi sumcad wanaagsan ku abuurtay intii uu wasiirka arrimaha dibadda ahaa.

Waxaa kaloo uu madaxwenuhu qiimeynayaa Gen. Cali Madoobe, oo ah sarkaalka u taliya ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Gen. Cali Madoobe, ayaa kasoo jeeda gobollada Gedo, waana masuul khibrad weyn u leh arrimaha ammaanka iyo xasillinta.

Sidoo kale, waxaa hadal-hayaa Maxamed C/rizaaq, oo ah aqoonyahan da'a yar, kana shaqeeya xafiiska Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Axmedou Ould-Cabdallah. Max'ed C/rizaaq ayaa hore u ahaan jiray madaxa shaqaalaha ee madaxweynihii hore ee Somalia, C/llahi Yuusuf Axmed, waxaana la rumeysan yahay inuu wato Ould-Cabdallah.

Add New Comment