Waaliga Wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo sheegay inay dagaal weyn ay ku qaadi doonaan ciidamada AMISOM iyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya.



Sheekh Cali wuxuu yiri saddexdii maalmood ee la soo dhaafay  dagaalladii aan la galnay kuwa dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna wal-jamaaca in ciidamadeenna ay kaga guuleysteen kana qabsadeen deegaannadii ay kaga sugnaayeen Waqooyiga Muqdisho. dagaalkeenuna maalmaha soo socdo wuxuu ku wajahan yahay ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Dowladda kuwa difaaca ugu jira  Madaxtooyada Soomaaliya halkaasoo ay madaxda dowladdu ay ku sugan yihiin.


Ma'suulkan wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin inay dagaal adag la galaan ciidamada kasoo horjeeda kuwaasoo aad u yar, xogta aan ka helnay ciidamada dowladdu waxay tahay ayuu yiri  Waaliga Wilaayada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee gobolka Banaadir in  wax yar maahee intooda badnayd Ciidamada Dowladda inay iska kala tageen oo waxa hadda madaxtooyada ku sugan ay yihiin ciidamada AMISOM kuwaasoo markii aan ku soo qaadno hujuum adag ka yaaci doonan halkaasi.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahiin Sheekh Cali Maxamed Xuseen wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay diyaar u yihiin inay qabtaan Madaxtooyad, qof walbana waa inuu soo qaato wixi uu awoodo uu kagala soo qayb galo jihadkaasi, Mujaahidiinta waa ka go'an tahay inay dullaan ballaaran ku qaadaan Madaxtooyada ayuu  Sheekh Cali kusoo gunnaanaday warkiisa ahaa farriinta dagaal .


Hadalka Mas'uulkan ayaa imaanaya iyadoo saakay uu Muqdisho kusoo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wasiirka Hiddaha Tacliinta sare ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar waxayna ka warbixiyeen go'aannadii kasoo baxay shirkii ka dhacay dalka Turkiga oo ugu weynaa in la taageero Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya lana qalabeeyo ciidamada AMISOM tiradooda la kordhiyo  si ay ugu gacan sarreeyaan awodda dagaal kadibna ay u xasilinyaan dalka Soomaaliya.

Si kasto oy ahaataba waxaa muuqata in maalmaha soo socda ay jiri doonaan dagaal kala bax ah oo aad u xoog badan, taasoo  dadweynihii ku harsanaa magaalada Muqdisho  garansiisay inay iskaga baxaan guryahoodi si ay u badbaadiyaan naftooda kana badbaadiyaan Madaafiicda sida arxan darrada ah loogu garaaco habeen iyo maalin.


Add New Comment