Dagaalo iyo duqeymo Saakay ka qarxay magaalada Muqdisho oo qasaaro geystay .


 Saakay waaberigi ayaa mar keliya waxa ay dagaalo xoogan iyo duqeymo culus ay ku dhexmareen xaafado ay ka mid yihiin degmooyinka Hodan,Howlwadaag,wardhiigley iyo Boondheere ee gobolka Banaadir  Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo isku meel ah iyo Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab  oo kasoo horjeedo ,waxaana dagaaladaasi barbar socday Madaafiic xoogan oo AMISOM  ku soo tuuraysay suuqa weyn ee Bakaaraha iyo xaafadaha ku harreereysan suuqaasi.


Saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay guul ay ka gaareen dagaalkii Saakay waxay sheegeen inay kula wareegeen fariisimo ay haysteen ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku lahaayeen  Baar Raaxo  oo u dhaxeeya Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ,waxay kale oo ay gacanta ku dhigeen saldhigyo ku yiil  degmooyinka yaaqshiid,Shibids iyo Boondheere halkaasoo ay horay u joogeen ciidamada dowladda KMG ah .

Dhanka dowladda  waxaa saxaafadda la hadlay Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacadde kaasoo sheegay in ciidamada Dowladda markii ay waayeen hubkii ay ku dagaalami lahaayeen in ay isaga soo baxeen aagaggii ay kaga sugnaayeen degmooyinka waqooyi ee magaalada Muqdisho .

Sheekh Yuusuf Indhacadde waxa uu jabka soo gaaray ciidamada dowladda uu dusha kaga tuuray xubno ka tirsan xukuumada Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, kuwaasoo uu ku eedeeyey in ay u diideen hubkii ay kula dagaalami lahaayeen xooggaga kasoo horjeeda.

Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday dagaaladii saaka ka dhacay degmooyinka Howlwadag Hodon shibis iyo boondheere in ka badan 17 ruux,waxaana ku dhaawacmay 60 ruux oo rayid ah .

Add New Comment