Dadaallo lagu samata bixinayo hatidii saarneyd gaari Xamuul ah oo ku dhacay Buudada Liqliqato


Dadaallo lagu samata bixinayo hatidii saarneyd gaari Xamuul ah oo ku dhacay Buudada Liqliqato (Daawo Sawirada)

  Kadib markii galinkii danbe ee shalay ay bur burtay Buundadii Liqliqato ee Magaalada Beledweyne ayaa xalay ilaa saakay waxaa ka soconaya gudaha Buundada dadaallo la doonayo in lagu
samata bixiyo hantidii saarneyd Gaarigii Xamuulka ahaa ee Buundadu la go'day.

Dadka Magaalada Beledweyne Ilaa xalay wax iska weydiinayay saameyta ay bur burka Buundadu ku yeelan karto -dhaq dhaqaaqii dhinaca Ganacsiga ee ka dhaxeeyay qeybaha kala duwan ee Xaafaddaha Magaalada iyo
Ciidamada Ururka Xisbul Islaam ee Maamula Magaalada Beledweyne oo is kaashanaya ayaa siweyn isugu howlan sidii dibad looga soo saari lahaa Wabigga Badeecadii saarneyd Gaariga.



Daafaha Buundada ayaa lagu arkayaa Raashin isugu jirra Baasto, Bariis, Sokor, Bur, iyo Noocyada Cabitaanka oo dibada loo soo saaray, waxaana muuqta marka aad eegto raashinkaasi in ay yihii kuwo aan rajo danbe laga qabin in la isticmaallo marka laga reebo Cabitaanka, waxaana sida uu mid ka mid ah Ciidamada Ururka Xisbul Islaam u sheegay HOL jirra Raashin intaa ka badan oo uu Wabiggu la tagay.

Dadka Magaalada ee ku kala sugan Xaafadda Howl-wadaag iyo qeybaha kale Magaaladu ka kooban tahay oo ah kuwo dano badan isaga xirran yihiin ayaa saakay la arkayay iyaga oo qaarkood ku dul socday Biraha Buudada
si ay ugu kala gudbaan Xaafadaha Magaalada, waxaana ay dhibaatada ugu darran la kulmay Haweenka oo qaarkood xalay guryahood ka dhaxay kadib markii ay ku kala go'doomeen labada dhinac ee Magaalada.



Wali waxaa Buundada iyo daafaheeda Ilaalo xoog leh ka haya Ciidamada Ururka Xisbul Islaam si loo ilaaliyo hantida inta bad qabta ee dibada loo soo saaray, waxaana dhinaca kale jirra in Ciidamadu dadka uga digayaan in ay soo dhawaadaan Buudada si aysan ugu dhicin maadaama Wabiggu aad u buux dhaafay maalmihii aynu soo dhaafnay.

Sikataba ha ahateen lama oga sida wax noqon doonaan marka la eego Muhiimada Buundadu u laheyd isku socda Ganacsi ee Magaalada, waxaana jirra hadal heyn ku aadan in la sameyn doono Doomo casri ah oo isku
xirra Xaafada Howl-wadaag iyo Xaafaddaha kale ee Magaalada Beledweyne.



Buundada Liqliqto ee galinkii danbe ee shalay go'day ayaa waxaa la dhisay Sanadku markii ahaa 1974-kii waxaa dhistay Wasaarradii howlaha guud ee Xukuumadii Militariga aheyd sida uu HOL u sheegay Eng, Cali Xaaji Shirwac oo dadka kula dar daarmay in la ilaaliyo Buundada lagu magacaabo Buundo-weyn oo ah tan kaliya ee u soo hartay dadka ku dhaqan Beledweyne.

Add New Comment