Madaxweynaha Soomaaliya Sh.Shariif oo maanta soo gaaray Magaalada Istambuul ee wadanka Turkiga

SheikhSharif_AbdullahGul.jpg
Madaxweyne Sheikh Sharif iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta Madaxweynaha Turkiya Abdullah Gull kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Istambuul ee wadanka Turkiga, halkaas oo uu ka furmay shir caalami ah oo ay soo qaban-qaabiyeen dowladda Turkey iyo Qaramad Midoobey, kaasoo looga hadlaayo dib u dhisidda wadanka Soomaaliya

Wafdiga uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid aha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Tacliinta Sare, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Xildhibaan Cumar Idriis, Madaxa Xafiiska Madaxtooyada iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada iyo kuwa kele.

 Labada Madaxweyne waxay isla maanta ay yeesheen kulan dheer oo ay kaga wada hadleen  xaaladda adag ee maanta ay ku sugan tahay ummadda  Soomaaliyeed iyo sida wax looga qaban lahaa , sidoo kale madaxweyne sh.shariif waxa uu siiyey warbixin qaas ah iyo sidii loo xooyin lahaa dowladda KMG ah .
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ka  warramay himilooyinka dowladda ku meel gaarka ah iyo waxa ay ka rajeyneyso shirkan caalamiga ah  dowladda Turkiga  wuxuuna weydiistay madaxweynaha Turkiga Abdullah Gull inuu is garab taago ummadda Somaaliyeed oo mowqif taariikhi ah shirkaanu caalamiga ah ee wadanka Turkiga lagu qabanaayo in uu   nabadeynta dalka Soomaaliya  u noqdo mid taariikhda u gala.

Add New Comment