Dayaarado dagaal oo maanta lagu arkay qaybo ka mid ah Muqdisho



Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qaybo ka mid ah magaalada lagu arkay dayaarado nuuca dagaalka ah oo aan halka laga leeyahay la garan, , kuwaasoo sida la sheegay ku duulayey jawi hoose, ayadoo guuxooduna laga maqlayey magaalada inteeda badan.

Dayaaradaha ayaa sida ay dad sheegtay inay yihiin goobjoogayaal sheegeen waxa ay aad ugu soo dhowaadiin xarumo Xarakatul Shabaab ay ku leeyihiin degaanka Suuqa Xoolaha iyo Xeradii Maslax oo ay tababarrada ku qaataan dagaalyahannada Xarakadda.

Cabsi aad u weyn ayaa waxa ay soo wajahday dadkii degaannadaasi ku noolaa, ayadoo dhanka Xarakatul Shabaabna laga maqlay dhawaqa qoryaha waaweyn ee lidka dayaaradaha oo ay hawada u tuurayeen si ay isaga caabbiyaan weerar kaga yimaada dhanka dayaaradaas aan la garaneyn halka ay ka soo duuleen.

Dayaaradaha ayaa tiradooda waxa lagu sheegay 3 ilaa 4 dayaaradood, lamana oga sababta keentay in ay soo galaan hawada magaalada Muqdisho, weliba xilli ay beryihii ugu dambeeyey ay socdeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyey Dowladda KMG, Ahlu Sunnah iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin.

Dadka reer Muqdisho ayaa ku kala aragti duwan dayaaradahan maanta soo dul maray magaalada, ayadoo qaar dadka ka mid ah ay wel wel ka muujiyeen arrintaas, sheegeenna in xaaladdu kasii dari doonto, haddii dayaarado loo adeegsado dagaalada ka socda magaalada, halka qaar kalena ay leeyihiin wey wanaagsan tahay in dayaarado la adeegsado oo waxa ay soo dedejineysaa soo afjaridda dagaallada ka socda Muqdisho.


Add New Comment