TACSI - Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun


inaalilaahi[1][1].jpg

tacsiHK.jpg

Waxaa saaka aroornimadii cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Allaah ha u naxariistee marxuumad Xaajiyo Khadiija Ibraahim Mukhtaar oo 67 jir ahayd, waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda oo ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, waxaana isla maanta lagu aasayaa magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/Hoose.

Marxuumad Xaajiya Khadiija Ibraahim Mukhtaar waxay ifka kaga tagtay 30 carruur ah oo isugu jira wax ay dhashay iyo wixii ay sii dhaleen, waxaana carruurteeda ka mid ahaa walaalkeen xubinta ka ah Xoghaynta SilGor mudane Nuur Cabdulqaadir Axmed (Sheekh Naaji).

Haddaba haddii aan nahay bahda SilGor waxaan annagoo aad uga tiiraanyeysan tacsi u direynaa walaalkeen Nuur Sheekh Naaji iyo dhammaanba intii ay ka geeriyootay hooyo Khadiija Ibraahim Mukhtaar, waxaanna leennahay Ilaah jannadii Fardowsa haka waraabiyo, intii ay ka tagtayna sabar iyo iimaan Ilaah haka siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN

Add New Comment