Xisbul Islaam oo maanta si nabadgelyo ah kula wareegay degmada Xararfheere


Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta si nabadgelyo ah waxaa ay kula wareegeen gacan ku haynta degmada Xarardheere, ciiamadaan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa jihooyin kala duwan kasoo galay magaalada.

Kooxihii burcad badeedda Soomalida ee xarunta ka dhigtay degmada Xaradheere ayaa waxa lasoo sheegayaa inay magaalada isaga baxeen, kaddib markii ay ka war heleen in Xisbul Islaam magaalada soo galeen.

Xaaladda gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa maalmahaan waxa ay tahay mid kacsan, kaddib markii la ogaaday in xoogagga Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam ay xoogga soo saareen sidii ay u qabsan lahaayeen degaannadaas oo xarun u ah xoogagga Ahlu Sunnah Wal Jamaacah ee ay sida ba'an isga soo horjeedaan, haatanna dagaallada ka billaabay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.



Add New Comment