Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay magaalada Muqdisho


Roobab ay aad ugu diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool magaalada Muqdisho iyo degaannada ku xeeran, roobabkaas oo waddooyinka iyo meelo badan oo magaalada ah biyo dhigay ayaa dadka waxay Allaah uga mahadcelinayeen raxmaddaa uu siiyey ee ay sida aadka ah u sugayeen.

Inkastoo dadku aad ugu baahnaa roobka ayaa haddana waxa jirta dhibaato ay roobabku la yimaadeen, dhibaatadaasi oo si gaar ah u saameysay dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan daafaha magaalada iyo dadka isticmaala gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha degmooyinka magaalada iyo daafaheeda.

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxa mudooyinkii ugu dambeeyey waxa ka jiray abaaro ba'an oo wada saameeyey dhulka ay Soomalidu dagto ee gobolka Geeska Afrika, waxaana Allaah mahaddiis ah in beryahan dambe guud ahaan dhulkaasi ay ka curteen roobabkii xilliga guga ee sida weyn loo sugayey. 


Add New Comment