Cumar Cabdirashiid oo sheegay in madaxweyne Sheekh Shariif uusan xaq u lahayn inuu kala diro xukuumadda

Cumar Cabdirashiid Cali oo shalay uu Madaxweyne Sheekh Shariif kala diray xukuumadii uu ra'iisul wasaaraha ka ahaa oo maanta shir jaraa'id ku qabtay  hooyga uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay ayaa sheegay inaysan dhicin xukuumaddiisu, welina ay shaqeyneyso.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweynuhu uusan kala diri karin xukuumadda, asagoona intaa raaciyey in sida keliya ee ay xukuumaddu ku dhici karto ay tahay ayadoo weysa kalsoonida in ka badan kalabar codka xildhibaanada barlamaanka.

Cumar Cabdirashiid ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyey in xukuumaddu aysan weli hor tegin barlamaanka, ayna diyaar u yihiin in ay hortagaan marka uu barlamaanku soo doorto guddoon cusub si xukuumaddiisu ay u hesho kalsoonida xildhibaanada barlamaanka, haddii ay weyso kalsoonida barlamaankuna ay markaasi dhacayso xukuumadda, balse inta ka horreysa ay dalka kasii shaqeyn doonto.

Kaddib markii ay xalay kulmeen Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid, kana wada hadleen go'aanka uu madaxweynuhu ku kala diray xukamaddii ra'iisul wasaare Cumar ayaa waxaa maanta soo ifbaxday in kulankaasi uu ku dhammaaday is af garan waa iyo weliba heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex taagan Dowladda KMG ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa taageertay go'aanka uu Madaxweyne Sheekh Shariif ku kala diray xukuumadda, balse waxa uu xaalku sii xumaaday kaddib markii uu ra'iisul wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid uu ku adkeystay in xukuunmaddiisu ay weli shaqeyneyso.


Add New Comment