Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta kala diray Xukumaddii Cumar Cabdirashiid


Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddii uu ra'iisul wasaaraha ka ahaa Cumar cabdirashiid ay dhacday.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intaa ku daray in dhowaan uu soo magacaabi doono ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa xukuumad tiro yar oo karti u yeelata wax ka qabashada arrimaha murugsan ee ka taagan waddanka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kalena barlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay soo doortaan guddon cusub oo uu barlamaanku yeesho, kaddib markii isla maanta uu guddoomiyihii hore ee barlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimada Barlamaanka.

Is qab-qabsiga siyaasadeed ee hareeyey goleyaasha KMG ee dowladda ayaa beryahan dambe cirka isku sii shareerayey, hase ahaatee waxa ay haatan arrintu ku soo dhammaatay in Soomaaliya aysan maanta lahayn xukuumad iyo guddoon barlamaan, taasoo waddanka ka dhigeysa in awoodihii dowladnimo oo dhan ay gacanta ugu jiraan madaxweyne Sheekh Shariif.


Add New Comment