Sheekh Aadan Madoobe oo iska casilay xilkii guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya


Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo shir jaraa'id maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii guddoomiyenimada Barlamaanka KMG ee soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in sababta ku kalliftay inuu is casilo ay tahay khilaafka si weynaada ee ka dhex jira xildhibaanada barlamaanka, wuxuuna intaa ku daray inuu diyaar u yahay inuu gacan siiyo ciddi kale ee jagadii uu banneeyey loo doorto.

Wararka qaarna waxa ay sheegayaan in is casilidda Sheekh Aadan Madoobe ay timid kaddib markii ay culeys fara badan sidaasi ku saareen Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saraakiil ka tirsan beesha caalamka oo daneeya arrimaha Soomaaliya.

Add New Comment