Xildhibaan Xaaji Shukri oo 85 jir ah ayaa si KMG ah loogu doortay inuu guddoomiyo barlamaanka


Xildhibaanada Baarlamaanka kuwooda diiddan Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa waxa ay maanta magaalada Muqdisho ku doorteen Guddoon cusub oo KMG ah oo uu yeesho Barlamaanka, kaas oo xilka Guddoonka sii heynaya tan iyo inta laga soo dooranayo Guddoomiye cusub.

Xildhibaanka loo doortay inuu si ku meelgaar ah u sii guddoomiye Barlamaanka ayaa ah Xildhibaan Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ah 85 jir, ayaa haddana ah ninka ugu da'da weyn xildhibaanada, kaasoo xilka sii haynaya muddo 15 maalmood ah oo lagu soo dooran doono guddoomiye cusub oo uu yeesho Barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada soo magacaabay Xaaji Shukri Sheekh Axmed ayaa tiradooda lagu sheegay inay kor u dhaafeysay 300 oo xildhibaan, kuwaasoo shir gaar ah ku yeeshay xarunta Barlamaanka (Golaha Shacabka) ee magaalada Muqdisho.

Xaaji Shukri oo dhankiisa saxaafadda la hadlaayey ayaa si cad u sheegay inuu haatan yahay guddoomiyaha KMG ah ee Barlamaanka Soomaaliya, Sheekh Madoobena ku sheegay inuu yahay xildhibaan ka tirsan barlamaanka, sidoo kalena waxa dhaleeceyn u jeediyey hadalka uu Sheekh Aadan Madoobe ku sheegay in la kala diray xukuumaddii ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Kala qaybsanaanta xubnaha Barlamaanka ayaa haatan u muuqata mid faraha ka baxday, ayna suurtagal tahay inay saameeyn ku yeelato guud ahaan xukuumadda KMG ee Soomaaliya.

Add New Comment