SHEEKH AADAN MADOOBE: "Dowladda Soomaaliya way dhacday, kaddib markii ay gudan wayday waajibaaadkeedii"


 Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhacday.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa kaga dhawaaqay hadalkan albaabka hore ee xarunta Golaha Shacabka, isagoo sheegay in baarlamaanka uu kalsoonida kala laabtay xukuumadda markii ay garwaaqsadeen inay waxba qaban-wayday.

"Xukuumadda Soomaaliya way dhacday, waxaana cod loo qaaday kalsoonida kala laabtay 280-xildhibaan, 30-xildhibaan waxay siiyeen codka, halka ay ka aamuseen 8-xildhibaanna" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya looga baahan yahay inuu soo magacaabo Ra'iisul wasaare cusub oo soo dhisa ka tayo iyo waxqabad wanaagsan midda dhacday.

"Madaxweynaha Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in muddo 30-maalmood kusoo Magacaabo Ra'iisul wasaare cusub, oo soo dhisa xukuumad waajibkeeda kasoo bixi karta" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo kulankii baarlamaanka uu kusoo dhamaaday buuq iyo sawaxan.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaan ka hadlin weli hadalka kasoo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Add New Comment