Aaska Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo maanta ka dhacay degaanka Jesiira ee duleedka magaalada Muqdisho


Aaska Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxa uu maanta ka dhacay degaanka Jesiira ee duleedka magaalad Muqdisho, ayadoo aaskiisuna ay ka soo qaybgaleen mas'uuliyiin uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas'uuliyiin kale.

aas.jpgMadaxweyne Sheekh Shariif, masuuliyiinta dowladda, culimaa'udiin, oday-dhaqameedyo iyo dadweyne aad u fara badan ayaa ka qayb galay aaska marxuum Imaam Maxamuud Imaam Cumar, sidoo kalena waxa ay ku tukadeen salaaddi janaasada.

Madaxweynaha salaaddii janaasada kaddib halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa geerida Imaamka uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena Allaah ka baryey inuu dhammaan sabar iyo iimaan ka siiyo.

Waxa kale oo ayaguna halkaa ka hadlay mas'uuliyiin fara badan oo Imaamka Allaah uga baryey inuu ka waraabiyo jannada, ummadda Soomaaliyeedna uu sabar iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxa uu 12-kii bishan Maajo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku xanuunsanay maalmihii u dambeeyey, waxaana meydiisa maanta laga soo qaaday magaalada Nairobi, isla maanta ayaana lasoo gaarsiiyey laguna aasay degaanka Jesiira.

Allaah ha u naxariisto Imaam Maxamuud intii uu ka tagayna sabar iyo iimaan haka siiyo - AAMIIN

Add New Comment