Hambalyo arooska Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Naciima Cabdisalaam Cali


Waxaa maalinnimadii Jimcaha ee bishan May ay ahayd 7-da magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ka dhacday xaflad nikaax oo aad loo soo agaasimay, ayna isugu yimaadeen culimaa'uddiin, aqoonyahano, aqyaar iyo dhallinyaro isugu jirtay gabdho iyo wiilal.

Munaasabadda nikaaxa ayaa waxaa loo dhigay arooska iyo aroosadda Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Naciima Cabdisalaam Cali, kuwaasoo isla magaaladaasi St. Paul ku aqal galay isla taariikhda uu nikaaxu dhacay.

Sheekh Xasan Cali Maxamuud (Sh. Xasan Jaamici), Sheekh Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo culimaa'udiin kale ayaa halkaasi kasoo jeediyey kalmado isugu jiray wacdi, waano iyo baraarujin ay dhallinyarada ku bararujiyeen guurka iyo faa'idooyinka uu leeyahay.

Haddaba waxaa dhambaallo hambalyo ah oo ku aaddan nikaaxa Maxamed Cabdulqaadir iyo Naciima Cabdisalaam naga soo kala gaartay dadka kala ah :

1. Cabdi Cumar Macalim
2. Sh. Cumar Cabdulqaadir Axmed
3. Maxamed Cusmaan Nuur (Suumaaye)
4. Maxamed Faarax Axmed
5. Sugulle Maxamed Cumar (Xiirane)
6. Axmed Faarax Axmed
7. dhammaan xubnaha Ururka I. SilGor

Dadkaasi oo dhan waxay arooska iyo aroosaddaba Allaah ka dhigo kuwii isku waara, ubad qayr qabana kala hela. AAMIIN.

arooska01 copy.jpg

Add New Comment