Munaasabado lagu xusayo Sannadguuradii 67-aas ee kasoo wareegtay Aasaaska Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SYL oo maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho


Xaflad ay soo qabanqaabiyeen Ururka SYL II iyo Dowladda Soomaaliya laguna maamuusayay sannadguuradii 67-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii Ururkii dhallinhyarada Soomaaliyeed SYL ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Ururka SYL ayaa lagu soo bandhgay Sawirrada 13-kii dhallinyaro ee aasaasay SYL oo ahaa halgamayaashii xornimada dalka, waxaana halkaas la dhigay Ubax lagu maamuusayay.

Guddoomiyaha SYL II Faarax Xaaji Cali oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in maanta ay xusaan 67-sano kaddib aasaaskii SYL, isagoo sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku dhisayaan Dhallinyaro la mid ah 13-kii SYL.

"Ururka SYL II iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxay wadaan qorshayaal ay dib boorka uga jafayaan Ururka SYL, si dhexda ugu xirtaan badbaada dalka oo 19-sano kusoo jiray dagaallo iyo fowdo" ayuu yiri Faarax Xaaji Cali.

Boorarka lagu soo bandhigay Xafladda ayaa waxaa ku xardhanaayeen SYL II iyo erayo kale oo lagu muujinayo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay weli u heelan yihiin sidii ay dalkooda uga saari lahaayeen dhibaatooyinka daba-dheeraaday ee dalka ka jira.

Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga Qadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna hadal ka jeedisay xafladda ayaa waxay sheegtay in loo baahan yahay in lagu daydo 13-kii dhallinyaro ee SYL oo dadaal u galay inay dalkooda ka xoreeyaan gumeysigii xilligaas xoogga ku haystay.

"Dadka intii waa ka badan yahay, dhallinyaraduna intii waa ka badan yihiin, waa in la helo dad la mid ah 13-kii wiil ee SYL aasaasay" ayay tiri wasiirradda oo xustay in dalka uu u baahan yahay in dadkiisu ay dhibka ka saaraan.

Guddooomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C/risaaq Maxamed Nuur (Nuunne) oo isaguna hadal ka jeediyay xaflad lagu maamuusayay SYL oo ka dhacday xarunga Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhallinyaradii SYL ay ahaayeen geesiyaal Taariikh uga tagay dadkooda iyo dalkooda.

"Dheere Xaaji Dheere oo ka mid ahaa dhallinyaradii SYL ayaa ii sheegay maalin inay hadafkooda ku meel-mariyeen ismaqal iyo istixgelin, iyadoo aanay jirin qabiil" ayuu yiri Eng. C/risaaq Nuunne, oo dhallinyarada maanta ka dalbaday inay dalkooda ugu shaqeeyaan sidii dhallinyaradii SYL.

Ruwaayado ka tarjumayay in dalka uu u baahan yahay dhallinyaradii SYL ee dhexda u xirtay inay ka jibbo-keenaan hadafkooda ayaa lagu soo bandhigay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Add New Comment